Muran ka taagan sida loo buuxin lahaa booskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland

0
778
Golaha Wakiilada Somaliland PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) — Khilaaf ayaa ka taagan sida loo buuxinayo booskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Cali Aaareeyo oo ka tirsana golaha Wakiiladda Somaliland.

Cida buuxin lahayd booskan uu ka geeriyooday xildhibaanku ayaa muran ka dhashay ka dib markii xisbigii UDUB ee uu ka soo baxay xildhibaanku uu ka dhamaaday kaydkii xisbigaasi u kaydsanaa hadii uu xildhibaan jagada baneeyo ku soo gali lahaaa, sidoo kale, xisbiyada kale kaydka u yaala ma buuxin karaan xisbi kale boos uu leeyahay, xeerkana kuma yaalla haddi arrintani oo kale dhacdo waxa la yeelayo.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanay cidi buuxinayn booskaasi,isla markaana sidaas u banaanan doono inta doorasho kale dhacayso.

“Saddex Xisbi ayaynu Leenahay oo waxa xisbi kastaba jira xildhibaano u soo baxay iyo xildhibaano kayd u ah,markaas nin kasta oo dhinta ninkii ku xigay ayaa soo buuxiya,nasiib daro waxa dhamaaday kaydkii xisbigii UDUB soo buuxin lahaa hadii xildhibaan baneeyo booskiisa, sidaas darteed kursiga uu baneeyay xildhibaan Cali Aareeye wax kayd ah oo ku qorani majirto”ayuu yidhi Gudoomiye Baashe, waxaanu intaas ku daray “ wuu banaanaan doonaa kursigaasi uu ka geeriyooday xildhibaanku inta doorasho cusub la galayo”.

Mar kale isagoo ka jawaabay in xisbiyad kale ee Kaydkooda wali aanay ka dhamaan buuxin karan iyo in kale, waxa uu yidhi “Xisbi Xisbi looma bedeli karo oo xisbi waliba isaga ayaa codkiisa leh markaas xildhibaano lays amaahiyaa ma jirtee xisbi waliba waxa uu leeyahay kayd waxaana kaydka loogu sameeyay waxa weeyi inaan la helin xildhibaan xisbi kale u wareega.”.

“Markii horena looma samayn sharci odhanaya maxaa laga yeelayaa hadii uu dhamaado kaydka xildhibaanadda xisbiyadda ay leeyihiin,markaas sharciga dambe ayaa lagu dari doonaa waxa laga yeelayo hadii kaydku dhamaado.”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada hadda jooga ayaa la doortay sanadkii 2005-kii, waxaanay muddo dheefeen saddex teeram oo doorasho la gali lahaa, taas ayaa keentay in xisbiyada qaar uu dhamaaday kaydkii buuxin laha hadii uu xildhbaan xisbigooda ahi kursiga baneeyo.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY