Muqdisho: Shirkii Madaxda Soomaaliya Oo Mar Kale Fashil Ku Soo Dhamaaday

0
576

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Waxaa mar kale fashil ku soo dhamaaday shir u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dawlad goboleedyadda Soomaaliya, sida ay shaacisay dawladda Soomaaliya.

Shirkaasi oo ka socday xarunta ciidanka circa Afisyoone ee garoonka diyaaraha Muqdisho, ayaa  u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo ay wehelinayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo raysal wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Abokor Cismaan Dubbe, oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay madaxweyneyaasha maamul goboleedyadda Jubbaland iyo Puntland aanay rabin in ay dalkan ka dhacdo doorasho uu aasaaskeedu yahay 17-kii bishii September iyo is-fahamkii 16-kii February.

Arrintaasi ayuu wasiir Dubbe, ku tilmaamay wax laga xumaado in labadaa madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland jiho-diid aan doorasho ogolayn.

Halka baa uu yidhi ay dawladu mar walba diyaar u ahayd in arrintaasi la xaliyo, isla markaana ay marar badan  intaas oo gogolood iyo shirar  ah ay qabatay.

 

LEAVE A REPLY