Muqdisho: Nin Turkiga u dhashay oo ku dhintay garax gaadhi

0
992

Hargeysa,(HargeisaPress) —Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeryooday qof kalana waa uu ku dhaawacmay ,kaddib qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho,sida saraakiisha laga soo xigtay.

Qofka geeryooday oo la sheegay inuu u dhashay dalka Turkiga ayaa qaraxa waxaa ka soo gaaray dhaawac culus, oo markii dambe uu u geeryooday,iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan qofka geeryooday inuu ahaa Injineer.

“Qaraxa wuxuu ahaa nooca gaadiidka lagu xiro, gaari Qooqan ah ayaana lagu xiray”. qof goobjooge ah ayaa sida u sheegay warbaahinta.

Ciidammo ka tirsan kuwa Booliska ayaa tegay goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaasi oo xiray halkaasi,balse ma jirto warbixin ka soo baxday booliska oo qaraxa loogu hadlay. Ciddi ma sheegan mas’uuliyada qaraxa.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY