Muqdisho: Khasaaraha Qarax Lala Eegtay Xero Ciidan

0
555

Muqdisho (HP): Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka duashay qarax is miidaamin ah oo maanta lala eegtay ilinka xero milateriga Soomaaliya ku leeyahay magaaladda Muqdisho.
Qaraxa oo lagu fuliyay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xero ku taalla meel u dhaw garoonka Kubbada cagta Muqdisho stadium.
Ma jiro wax war ah oo ay ciidamada iyo dawlada federaalka midnaba ka soo saareen weerarkaasi.
Hase yeeshee kooxda alshabaab ayaa sheegatay in ay weerarkaasi ka danbeeyeen, isla markaana ay ku dileen tiro ciidamadii xaruntaa joogay ah.

Xeradan oo ay leeyihiin qaybta 27aad ee milateriga Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ahaa qof watay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa oo dhacay barqonimadii saaka ayaa si weyn kooga dareemay guud ahaamba magaaladda Muqdisho.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here