Munaasibad Loo Qabtay Murashaxiinta Haweenka ah Ee Beelaha La Hayb Sooco

0
466

Hargaysa (HP): Munaasibad lagu soo dhawaynayay Haweenka doorashooyinka uga tartamaya beelaha la hayb sooco ee Somaliland goleyaasha Wakiiladd iyo deegaanka ayaa lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Xafladaasi oo uu soo qaban qaabiyay dalladda Haweenka ee NAGAAD waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland C/rashiid Riyo Raac, guddoomiyaha dalladda SONSAF Anwar C/raxmaan Warsame.

Guddoomiyaha dalladda Haweenka ee Nagaad Ismahaan Cabdisalaam, masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo Kulmiye iyo sidoo kale haween tiro badan oo lagu soo casuumay xafladaasi.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka C/rashiid Riyo Raac, oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad baan u bogaadinayaan hanka iyo dhiiranaanta ay haweenkaasi kaga qayb gelayaan ama kaga mid noqdeen murashaxiinta goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka.

Sidoo kale guddoomiyaha ururka haweenka ee NAGAAD Ismahaan Cabdisalaam, ayaa sheegtay in ay muddo hore u diyaariyeen haweenka qorshe ah in hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo cuaqaasha ay u qabteen tababaro ay ku wacyigelinayeen.

Maadaama oo ay madax dhaqameedku iyagu soo xulayeen murashaxiinta beelaha uga qayb gelaya doorashooyinka una gudbinayeen xisbiyadda in ay soo gudbiyaan dalabka haweenka.

Waxa kaloo isna halkaasi ka hadlay Anwar C/raxmaan Warsame,  guddoomiyaha dalladda SONSAF, waxaanu tilmaamay in ay ka dallad ahaan ay diyaar u yihiin ay is garab taagaan haweenka u tartamaya doorashooyinka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY