Mukhtaar Roobow Oo La Xidhay iyo Khasaare Ka Dhashay Rebshaddo Xadhigiisa La Xidhiidha Oo Baydhabo Ka Dhacay

0
1124

Baydhabo (Hargeisa Press.com): Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu-maansuur), oo ka mid ahaa musharaxiinta ugu cad cad ee u  tartamaya doorashadda madaxtinimadda maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta lagu xidhay magaaladda Baydhabo.

Xadhiga Mukhtaar Roobow, ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo, halkaasoo la sheegay in guddiga doorashadu ay kulan isugu yeedheen musharaxiinta.

Kadib na markii Mukhtaar Roobow Abu-maansuur, uu  galay xarunta madaxtooyadda ee laga reebay ciidamadii ilaalinayay in ciidamo Itoobiyaana ay qabteen. Iyadoo ay diyaarad ka saareen garoonka diyaaradaha.

Waxaana la sheegay in halkaas ay ka bilaabantay is-rasaasayn dhexmartay ilaaladii Roobow iyo ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee qabtay musharax Roobow. Magaaladda Baydhabo ayaa gashay jahawareer amni iyo mid siyaasadeed kadib markii la xidhay Mukhtaar Roobow.

Waxaanay wararku sheegayaan in  2 qof oo rayid ah  ay ku dhaawacmeen rebashadihii maanta ka dhacay Baydhabo, labadaas qof oo kala ahaa Wiil dhalinyaro ah iyo haweenay Qaadka ka ganacsata kuwaasoo dhaawacoodda la geeyay cusbitaalka Baydhabo.

Mukhtaar Roobow Abu-maansuur, ayaa maanta gelinkii danbe diyaaradii lagaga soo qaaday Baydhabo waxay ka dejisay magaaladda Muqdisho. Waxaana la soo weriyay in uu haatan  ku xidhan yahay xarunta hay’adda nabad-sugida Soomaaliya  NISA ee Muqdisho.

Geesta kale dawladda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xadhiga Roobow, waxaanay ku eedaysay Roobow in aanu weli ka tanaasulin fikirkiisii xagjirnimadda, isla markaana aanu si cad u sheegin in uu canbaaraynayo ficiladda Al-shabaab.

Warkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

Dhinaca  kale Mukhtaar Roobow, ayaa  mar soo noqday  ku xigeenka hogaamiyaha Al-shabaab iyo afhayeenka kooxdaasi, ka hor intii aanu dawladda federaalka Soomaaliya isku soo dhiibin horaantii sanadkan.

Markii uu dawladda Soomaaliya isku soo dhiibay sheekh Mukhtaar Roobow, wuxuu ku dhawaaqay in uu ururka Al-shabaab isaga baxay, kadib na waxa uu dhawaan ka mid noqday musharaxiinta u taagan doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow, ayaa saamayn weyn ku dhex leh goboladda maamulka Koonfur Galbeed oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, iyadoo loo arko in uu yahay musharaxa ugu taageeradda badan.

Xildhibaanadda ku jira baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta ka soo jeedda Koonfur Galbeed ayaa canbaareeyay xadhiga Roobow, waxaanay dawladda federaalka ah ku eedeeyeen in ay masuul ka tahay falkaasi.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY