Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo Ka Waramay Waxyabihii Ku Qasbay Inay Hubka Qaatan oo Ay La Dagaalamaan Dowladii Kacaanka Ee Uu Hogaaminayay Siyaad Bare

0
1848

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ibraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne oo ahaa Taliyihii hogaaminayey ciidankii Jabhada SNM ee bishii May 1988 weeraray magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu ka waramay waxyabihii ku qasbay inay hubka qaatan oo ay dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare la dagaallamaan.

“Waxaa heerkaa na gaadhsiiyay markay cadaalad darada badato oo wadahadal la diiday ee talo la diiday oo la yidhaahday aniga umbaa teyda soconaysaa waxay taasi keeneysa in gacanta la isula tago”, ayuu yidhi.

Ibraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare ay diiday inay wadahadalo la gasho oo ay ka qanciso dadkii gobollada waqooyi waxyaabihii ay tabanayeen.

“Wax ummadu leedahay in laga wadahadlo Maxamed Siyaad meel cad ayuu iska taagay aduunyada xitaa way u soo jeedisay in la wadahadlo, wuu diiday in uu mar kali ah la wadahadlo”, ayuu tilmaamay Dhagaweyne.

Dowladdii kacaanka oo ka talinaysay Soomaaliya muddo 21 sano ah waxa ugu dambeyntii xukunka ka tuuray jabhado sanndii 1991.

Afar Arrimood oo Lagu Xusuusto Dowladdii Kacaankii Siyaad Bare

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY