Mujaahid Cali Guray oo ka Hadlay Aragtidiisa ku Wajahan Muranka Biya Galinta Hargeysa

0
1043

Hargeysa,(HargeisaPress) — Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Ucid Mujaahid Cali Guray oo ka hadlayay sida uu u arko Biyo Galinta Hargeysa oo muran ka taagnaa mudooyinkii u dambeeyay ayaa soo jeediyay inaan la carqaladayn Biyaha loo soo wado Dadka Ooman.
“Biyo la’aanta Hargeysa waxan is leeyahay xal waa loo hayaa. Dadka u haraadan iyo biyaha loogu talogalay in la soo gaadhsiiyaa way isu baahan yihiin, laakiin in ay is helaan ayaa ka muhiimsan wax kasta oo kale eh ma la isu dayn doonaa mise sidii mashruucii Sahanka Shidaalka ay qandaraasyadu ka muhiimsanaan doonaan oo marka fooda la is wada daro ayay iyaguna noqon doonaan cirka ka soo leef?.
Labada mashruuc ee biyuhu hadii ay sidii loogu talogalay u hirgalaan dhibaatada biyo la’aanta ee Hargeysa way dhamaanaysaa hadii Alleh yidhaa ee yaa kuwan reer Hargeysa ee qabyaaladda ula kala safanaya qandaraas doonada yidhaa ilaahiina ugu shukri naqa nimcooyinkiisa uu idinku manaystay.
Xukuumadan musuq u daa cadaaladna ha uga fadhiyina lakiin ha laga raaco dadkeena haraadku hayo iyo biyaha ilaahay ina siiyay inay is helaan wixii kale oo dhanna yeelkood
Anigu dan gaar ah kama lihi mashaariicda biyaha Hargeysa keliya waxa ii daran in dadkayga oomani biyo helaan” ayuu yidhi Cali Guray.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here