Mudaharaadyo Ka Dhan Ah TPLF oo Ka Dhacay Deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
1527

Jigjiga (Hargeisa Press) – Mudaharaadyo lagaga soo horjeeday jabhadda TPLF ee u dagaallanta xorriyadda gobolka Tigreega Itoobiya, sidoo kalena lagu taageeray howlgallada ciidanka dowladda Itoobiya, ayaa maanta ka dhacay guud ahaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Meelaha sida wayn looga banaanbaxay, ayaa waxaa ka mid ah magaalada Jigjiga oo saaka subaxii hore shacabka magaaladu isugu soo baxeen waddooyinka magaalada iyagoo markii dambe isugu tagay garoonka kubadda cagta ee Jigjiga, halkaas oo madaxda degaanka u saraysa ay hadallo ku saabsan Banaanbaxan shacabkii halkaa uga soo jeediyay.

Mudaaharaadadan, ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafa Maxamuud Cumar.

Waxaa mudaharaadyadan dadweynaha kala qayb galay Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mustafe Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Madaxwayne Cagjar oo dadweynaha banaanbaxayay la hadlay, ayaa ka sheekeynayay dhibaatooyinkii ay TPLF shacabka degaanka Soomaalida ugaysatay, isaga oo xusay in maanta kaddib ayna dawladdu u dulqaadan doonin waxaa uu ku tilmaamay “Awrkii raalayaasha TPLF”, waxaanu sheegay in si cad loola dagaalami doono Argagaxisada TPLF waa siduu hadalka u dhigaye.

“TPLF waxa ay ka been sheegtay dastuurka dalka, waxa ay ahayd koox dadka gumeysata; waxaana ina xukumayey saraakiisheeda” Madaxweyne Mustafe ayaa sidan yidhi mar uu ka hadlayey dibad-baxan.

“Nidaamkii ku dhisnaa kala-sarraynta, dhaca, kufsiga iyo xasuuqa ayey rabaan in ay mar kale soo celiyaan, laakiin taasi ma aha mid ay aqbali doonaan shacabka Deegaanka Soomaalidu. aniga oo ku hadlaya afka xukuumadda iyo midka shacabka waxa aan idiin xaqiijinaynaa in si cad aannu ula dagaallami doonno argagixisada TPLF” .ayuu yidhi.

“Waxa aan idiin caddeynaynaa in maanta kaddib ayna dowladdu ogalaan doonin in ay bannaanka sii joogaan dadkii shacabka xasuuqa u geystay ee maantana doonaya in ay awr-kiraaleyaal u sii noqdaan hadhaaga nafla-caariga ah ee TPLF, taasi waxa ay u muuqataa tallaabo-qaad ay hore dawladdu u gabtay oo maanta lagu dhaqaaqi doono” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here