Mudaharaadyada Jabuuti oo Ku Sii Fiday Gobolka Cali Sabiix

0
1527

Cali Sabiix (Hargeisa Press)- Gobolka Cali Sabiix waxaa maanta salaadda Jimcaha ka dib ka dhacay dibadbaxyo lagaga soo horjeeda xadhiga askariga gadooday ee dhawaan soo duubay muuqaal uu kaga sheekeynayo sida loola dhaqmay inta uu xasbiga ku jiray.

Muddaaharadayaal cadheysan ayaa taayiro ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo hore u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jabuuti.

Muddaharaadyo noocan oo kale ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Jabuuti iyadoo dowladda ay xabsiga dhigtay dhowr qof.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti, Muumin Axmed Sheekh ayaa u digay dibadbaxayaasha.

“Nin kasta oo shirciga ku xadgubana waa la soo qaban doonaa oo sharciga ayaa lala tiigsan doonaa. Marka dadku ha ogaadaan, meeshan waa waddan sharci leh, nidaamka ninkii ku xadgubana isagaa yaqaanna” ayuu yidhi Muumin

Wasiirku kama aanu hadlin arrinta kicisay dibedbaxyada ee xadhiga Fu’aad Yuusuf Cali.

LEAVE A REPLY