Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmoooyinka Somaliland oo Caynaba Ka Dhacay

0
713

Caynaba (HargeisaPress) – Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland ayaa waxa maanta ka dhacay Mudaharaad lagaga soo horjeedo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmoooyinka oo Shalay ay ansixiyeen Golaha Wakiilladu.

Dadweynaha Mudaharaadka samaynaya ayaa taayiro ku gubay Waddooyinka Magaalada Caynaba, iyagoo muujinaya inay ka xun yihiin in Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Baarlamaanku ansixiyey uu Caynabo ka dhigay derajada saddexaad ee Magaalooyinka (C).

Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in Dadka Mudaharaadka samaynaya ay sheegayaan in Golaha Wakiilladu baal-mareen soo jeedin ballan-qaad uu Madaxweynuhu hore ugu sameeyay Reer Caynaba, kaasi oo ahaa in Degmada Caynaba laga dhigayo Derajada (B).

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here