Mudaharaad lagaga soo horjeedo wareejinta Warshada laydhka oo ka dhacay Berbera

0
827

Berbera, (HargeisaPress) — Banaanbax lagaga soo horjeedo Wareejinta Warshadda Laydhka Dawladda ee Berbera ayaa maanta ka dhacay Magaalada Berbera. Dadweyne ka cadhaysan qorshaha socda ee Xukumaddu ku wareejinayso Warshadda ayaa laga iskugu soo baxay iyadoo dadku Taayaro ku gubeen badhtahama Magaalada.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi CabDdi Bidaar, ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay inuu Mudaharaadku ahaa mid sahlan oo aan gaysan wax khasaare ah, markii dambena uu iska dhamaaday.
Booliska ayaa Rasaas ku kala dareeriyay Bulshada ka cabanaysay in Warshadda Laydhka Dawladda ee Berbera lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay. Qorshahan ayaa muddooyinkii u dambeeyay laga dareemayay Magaalada Berbera in Xukumaddu damacsan tahay inay ganacsato ku wareejiso Warshadaasi oo noqonaysa tii ugu dambeysay ee Xukumaddu gacanta ku haysay.
Xukumadda ayaa dhawaan ganacsato ku wareejisay Warshaddii Laydhka Dawladda Hargeysa, taasi oo hadda wixii ku dambeeya ay maamulayaan ilaa saddex Ganacsade oo reer Somaliland ah, arrintaasi oo bulshadu walaac ka muujisay, mucaaradkuna xukumadda ku dhaliilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here