Mourinho oo Masuuliyiinta Chelsea ugu Baaqay Keenitaan Ciyaartoy Cusub oo Tayo Leh

0
1413

HargeisaPress — Jose Mourinho, ayaa masuuliyiinta Chelsea ugu baaqay inay kooxda keenaan ciyaatoy cusub ka hor inta aannu iibka ciyaartoygu xidhmin, isagoo ku canaantay in aanay ka dhex muuqan iibka ciyaartoyga.

Waxa macallinkan hoosta ka xariiqay in si uu ugu diyaar garoobo xilli-ciyaareedka soo socda uu u baahan yahay saddex laacib oo ka kala ciyaara goolka, khadka dhexe iyo laacib fiican oo difaaca ka ciyaara.

Mourinho waxa uu masuuliyiinta Chelsea ku wargeliyay in aanay suurto-gal ahayn inay horyaalka soo socda ku guulaystaan, haddii aan la keenin laacibiin tayo leh oo kor u qaada awood naadiga.

Radamel Falcao ayaa ah laacibkan keliya ee caanka ah ee Chelsea iibsatay xaggaagan, balse waxa uu Mourinho raacdo ugu jiraa helitaanka Asmir Begovic, kaasoo uu rabo inuu noqdo bedelka Petr Cech.

 

Cabdikariim Qoorgaab. – Frankfurt Germany

LEAVE A REPLY