Mo Farah: Wax Khalad Ah Ma Sameyn

0
1643

Chicago (Hargeisa Press)- Orodyahanka Mo Farah ayaa ku adkeysanaya inaanu sameyn wax khalad ah, xilli su`aalo laga weydiinayo tababarihiisii hore ee xayiraadda lagu soo rogay sababo la xidhiidha inuu meel uga dhacay xeerka oroddada, oo uu oggolaaday daawooyinka la isku duro ee tamarta kordhiya.

Alberto Salazar, oo ka caawiyay Mo Farah inuu noqdo orordyahanka ugu wanaagsan Britain ayaa toddobaadkii hore muddo Afar Sano ah laga mamnuucay tababarenimada orodyahannada.

Mo Farah weligii kuma aanu dhicin baadhitaanka daawada aan la oggoleyn ee tamarta siisa orodyhannada, wuxuuna sheegay inaanay jirin wax isaga si gaar ah u khuseeya oo la xidhiidha tababarihiisii hore.

Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay Chicago, halkaa soo uu maanta kaga qeyb geli doono tartanka orodka, ayuu Mo sheegay inuu yahay mid ka mid ah orodyahannada la marsiiyo baadhitaannada ugu badan guud ahaan dunida.

“Tani ma khuseyso Mo Farah, waxay khuseysaa Alberto Salazar. Ma ihi Alberto.

“Leyma siin waxba. Ma qaadan testosterone ama wax kale. Markaas iima muuqan wax khalad ah markaan halkaas joogay. Eedeyntani waxay khuseysaa Salazar, ma khuseyso Mo Farah.”

Inkastoo Salazar mamnuucid lagu soo rogay, haddana Mo Farah ayaa ka caga-jiidayay inuu cambaareeyo tababarihiisii hore.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here