Mo Farah oo Macsalaamaynaya Orodka Dheer Ee London Marathon

0
1140

London (Hargeisa Press) – Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland, islamarkaana u orda dalka Britain, ayaa isu diyaarinaya inuu si qiiro leh u macsalaameeyo Orodka dheer ee London Marathon, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaashiisu kaddib markii uu xaqiijiyay inuu ka qayb qaadan doono tartankaasi.

Orodyahanka 39-ka ah ee afarta jeer hore ugu guulaystay orodka Olimbikada, ayaa la filayaa in 2023 uu noqon doono sannadkii ugu dambeeyay ee uu ordo kahor inta aanu tartammada ka fadhiisan.

Hasayeeshee ma hubo in orodkan dheer uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee uu tartan adag kaga qeybgalo, isagoo sheegay inuu “halkii marba ka qeybgeli doono hal tartan”.

“Ma filayo in aan taageero la’aan ku guulaysan lahaa guulaha aan gaadhay,” ayuu yidhi Mo Farah.

“Waa ay wanaagsan tahay in aad dadka macsalaamaysid, waxaanan filayaa inay noqon doonto mid qiiro leh.”

Mo Farah, ayay ahayd inuu ordo 2022 hasayeeshee tartankii waxa uu uga hadhay dhawaac soo gaadhay awadii.

Tartanka orodka dheer ee London Marathon, ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo wakhtigii gu’ga ee la qaban jiray kahor xanuunkii safmarka ahaa, iyadoo ay noqonayso markii ugu horraysay oo tartan la qabanayo muddo saddex sanadood ah.

‘Waxaana doonayaa in aan bal hal mar oo kale ordo’- Mo Farah

Mo Farah oo bisha March noqon doona 40 jir, ayaa dhaawac ka soo gaadhay sinta waxa uu ka hor istaagay inuu ka qeybqaato tartankii la qabtay sannadkii la soo dhaafay, kana waxa uu noqonayaa Marathon-kii ugu horreeyay tan iyo 2019, markaas oo uu galay kaalinta shanaad.

Farah oo haysta rikoodhka orodka Marathon-ka Britain, ayaa lagu wadaa inuu markiisii afraad ka qeybgalo London Marathon, 2018 ayay ahayd markii uu kaalinta saddexaad galay, isla sannadkaas oo uu ku guulaystay tartankii Chicago, kaas oo ah guusha kaliya ee orod dheer ee marathon ah ee uu haysto.

“Xirfad aad u wanaagsan ayay ii ahayd, inaan ka qeybqaato London Marathon-na waa wax aad iigu wayn,” ayuu Mo Farah yidhi.

“Marwalba waxaan yidhaahdaa waa ay wanaagsanaan laheyd inaan maalin uun ku guulaysto tartankan, laakiin waa in howl adag laga maro.”.

Orodyahankan lixda jeer ku guulaystay tartanka World Track Champion, sidoo kalana ku guulaystay tartanka Big Half London ee bishii September, ayaa tan iyo bishii October 2019 waxa uu orday todoba jeer oo keliya.

Walow uu ku guulaydarraystay inuu u soo baxo ciyaarihii Olimbikada Tokyo, si layaab lehna uu kaga guulaystay ciyaaryahanka u orda kooxda ee Ellis Cross ee tartankii London ee 10,000 ee bishii May, haddana waxa uu la dhacsanyahay in dalkiisa uu u ordo inay weli dhiirrigeliso.

“Aad baan ugu faraxsanahay guulaha aan gaadhay, waxaanse doonayaa inaan bal markale istijaabiyo oo aan eego waxa aan samayn karo. Hasayeeshee ma jirto cid aan isu muujinayo,” ayuu yidhi Mo Farah.

“Olimbikada ma tegi doono waxaanan filayaa in 2023 uu noqon doono sannadkii ugu dambeeyay.

“Sidaasoo ay tahayna haddii wakhtiga dhammaadka sanadka la gaadho oo waddankeygu uu ii baahdo marna ma diidi doono.” ayuu yidhi Mo Farah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here