MIISAANIYADDA QARANKU WAA IN AY BAAHIDA DALKA KA TURJUMAYSAA

0
666
Qora Muhamed Dhimbiil

MIISAANIYADDA QARANKU WAA IN AY BAAHIDA DALKA KA TURJUMAYSAA , QAABKA LOO SOO SAARO IYO SIDA LOO WADAAGAANA SAX MAAHA OO 28KAA SANADOOD WAA ISKU DUL NOOLAANSHO !!

Miisaaniyadda qaranka Jamhuriyada Somaliland ilaa inta aan garanayo ma aha mid ka turjumaysa baahiyaha dalka iyo sida ay u kala miisaan culus yihiin , waxa ay ku dhamaataa gabigeeduba marka laga reebo daruuriyaadka , gaadiid , qalabayn xafiis , barnaamijyo hawlo shaqo , habeen dhaxyo iyo waxyaabo badan oo aan la garanayn wax lagu qabto iyo cid qaadata.

Taasi waa sababta lacagta iyo qorshaha miisaaniyadu aanu ugu dhisnayn dan umadeed ee uu u yahay dano siyaasadeed iyo xafiis hebel u buur ama gole hebel ku laaluush in loo kordhiyo miisaaniyada si aanay kaaga hor iman.

Miisaaniyadda qaranku dhawr iyo labaatan sanadood ayaa la daadejin kari laayahay si gobol waliba iyo degmo waliba isaga dhex aragto waxa ugu jira oo loogu wada xisaabtamo , kharashyada miisaaniyadda inta ugu badani caasimada ma dhaafto , xataa magaalada Hargeisa ee bilic , biyo iyo waxyaabo badan oo kale u baahan ee lacagtan lagu qorsheeyo la isma odhan marqudha ha loogu daro dhaqaale Caasimada dalka wax lagaga qabto.

Waxa iyaduna cadaalad daro weyni ka jirtaa qaabka miisaaniyadda dalka uga soo baxdo iyo qaabka loo wadaago oo aad u kala fog , oo gobolo iyo degmooyina lacagta ayaa laga soo saaraa ilaa 28 kaa sanadoodba wax macno lehna laguma celiyo , kuwa kalena waa la siiyaa oo sooba saari lahaa dhaqaale intaa ka sii badan hadii loo hawl gali lahaa .

Cusbitaalka Guud ee Hargeisa ee Oxygen la’aanta loogu dhintay waxa 200 boqol oo talaabo u jirra madaxtooyada Somaliland oo sanadwalba dhawr miisaaniyadood oo kala duwan leh oo sii kordha xataa iyada oo wasaaradii madaxtooyada la baabiiyey , sidaasi oo kale labadii gole ee baarlamaanka Somaliland oo midwalba miisaaniyadiisa marka aad eegto aad yaabayso !

Hantidii umadani waxa ay gashay jeebado dad , dawladnimadiina waxa loo fahmay bakhaaro ganacsi oo laga soo macaasho , waxa aan la yaabaa marka uu madaxwayne Biixi amaanayo gudiyada qandaraasyada iyo hay’adihii ilaalinta hantida umada oo wax ay qabtaan la garan laayahay ilaa maanta iyo qiimeyn dhab ah oo lagu sameeyo baahida dawlada Somaliland iyo dalku qabo si lacagteenu ugu baxdo wax ina anfaca.

Ma hadal uun baa la wadi , ciridka aan arkayo ilko kama soo jeedaane

Muhamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here