Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo Farmaajo Ugu Baaqay Inuu Xilka Iska-casilo

0
1056

Muqdisho (Hargeisa Press) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda iyo wararka la xidhiidha dhallinyarada Soomaalida ah ee tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea.

War-saxaafadeed ka soo baxay golaha, ayaa lagu sheegay “in la soo sheegay in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen” dagaalladii sokeeye ee Ethiopia oo ka dhacayey gobolka Tigray.

“Wararka la xidhiidha joogitaanka dhallinyaradaas ee Ethiopia iyo ka qeybgalkooda dagaallada sokeeye waxaa xaqiijiyey Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo madax ka tirsan dawlado caalami ah oo u kuur galay dagaaladaas,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxay sidoo kale, Golaha ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo inaanu dhageysan dacwado ay soo jeediyeen waalidiinta dhallinyaradaas oo ka codsaday dawladda inay ka hadasho xaaladda dhallinyarada.

“Waxaa nasiib-darro ah in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday oo ah mas’uulka u sarreeya ee Ciidamada Qalabka Sida inuu dhegaha ka fureystay oo diiday inuu si muuqata uu shacabka Soomaaliyeed uga jaahil bixiyo eedeymahaas,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

“Waxaan umaddda Soomaaliyeed la qeybsaneynaa in dhacdadaan ay tahay mid aan la iska indha-tiri karin oo ay mas’uuliyaddeeda dusha ka saaran tahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

Golaha Midowga Musharaxiinta, ayaa ugu dambeyn sheegay inay ugu baaqayaan madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo inuu iska casilo xilka, umadda Soomaaliya ka hor-istaagto inuu u tartamo xilka mar kale, iyaga oo sababtana ku sheegay “inuu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka,” sida war-saxaafadeedka lagu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here