Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsiyo Midawga Yurub Maalgeliyay

0
634

Mandheera (HP): Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa maanta xadhiga ka jaray mashruuc soo socday muddo lix sanadood ah oo lagu fulinayay dhismeyaasha in ka badan 83 dugsi oo uu fuliyay midawga Yurub

Dugsiyadaasi oo laga kala fuliyay goboladda iyo degmooyinka dalkan Somaliland oo dhan, ayaa maanta xafladda xadhiga lagaga jarayay lagu qabtay degaanka Sheekh Abdaal ee degmadda Mandheera ee gobolka Saaxil.

Wasiirka waxaa munaasibadaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda, maamulka gobolka Saaxil, ka degmadda Berbera iyo sidoo kale xubno ka socday hay’adda Care International iyo Save the Children.

Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay wakiilka ururka midawga Yurub u qaabilsan dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY