Mid Ka mid Ahaa Agaasimeyaasha Guud Ee Xukuumadda Oo Xalay Geeriyooday Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Oo Tacsi u diray

0
1356
Marxuum Muj. Cabdikariin Xaashi Cilmi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Alla ha u naxariistee Agaasimihii guud ee wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Marxuum Muj. Cabdikariin Xaashi Cilmi Ayaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla wadanka Hindiya oo uu dhawaan xaallad caafimaad utegey.  Sida  lagu sheegay  warsaxaafadeed uu xalay soo saaray xisbiga KULMIYE  oo uu kusaxeexannaa guddoomiyaha ahna MusharraxaXisbigaasi Muuse Biixi Cabdi  waxaa uu Marxuum Cabdikariin Xaashi xalay cawayskii uu ku geeriyooday wadanka hingdiya. Warsaxaafadeedkaasina waxaa uu udhignaa sidan “ Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, laamaha kala duwan ee xisbiga iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, qaranka iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Marxuum Cabdikariin Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Hindiya caawa [xalay] oo taariikhdu tahay 30 March 2017, halkaas uu u tagay xaalad caafimaad. Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdikariin Xaashi Cilmi halyey taariikh wayn ku lahaa dalka oo naftiisa iyo aqoontiisaba u soo huray badbaadinta iyo horumarinta dadka reer Somaliland, isagoo ahaa sarkaalkii la wareegay taliskii iyo hoggaamintii dagaalkii cuslaa ee Burco-duuray ku dhexmaray xooggagii SNM iyo ciidammadii Siyaad Barre 17/10/1984-kii oo uu weliba ku dhaawacmay, kadib markii uu ku geeriyooday Taliyihii hoggaaminayey ciidankii SNM Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle). Waxa kaloo uu door wayn ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii iyo horumarinta hannaanka dawladnimada Somaliland oo uu ka soo qabtay xilal iyo shaqooyin kala duwan.  Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabka iyo Qaranka Somaliland-na uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

LEAVE A REPLY