Messi Diyaar Ma U Yahay Inuu Qaato Taajkii Cristiano Ronaldo Ee Champions League-Ga?

0
1965
Mess vs Rronaldo

Boqortooyadii Cristiano Ronaldo, oo ahaa boqorka kubadda cagta ee kooxaha Yurub ayaa dhacday, waxaana taajkiisii u xusul duubanaya cadowgiisa la iska wada yaqaanno, Lionel Messi.

Markii uu habeenimadii Talaadada Ronaldo murugeysnaa, ayna soo afjarantay rajadiisii ku aaddaneyd inuu markii 4-aad oo isku xigta ku guuleysto koobka horyaallada Yurub ee Champions League-ga, Messi wuxuu kooxdiisa Barcelona u horseeday inay u gudbaan afar-dhamaadka tartankaas xiisaha badan.

Inkastoo Ronaldo, oo hadda u ciyaara kooxda Juventus uu gool ka dhaliyay ciyaartii ay la yeesheen kooxda Ajax, haddana waxaa dadaalkiisa hal bacaad lagu lisay ka dhigay ciyaartoyda kooxda kasoo horjeedday.

Ronaldo ayaa ku hungoobay hammigii uu kalahaa hanashada Champions League-ga

Weeraryahankii hore ee Real Madrid ayaa dhaliyay goolkiisii 126-aad ee uu ka dhaliyo tartanka Champions League-ga.

Hase ahaatee Lionel Messi ayey u suurta gashay inuu dhaliyo 2 gool oo ka mid ah saddexdii gool ee ay ku garaaceen kooxda Manchester United, oo horayna ay lugtii hore uga soo badiyeen 1-0.

Waa markii ugu horreysay muddo ku dhawaad 10 sano ah oo Semi final-ka ama afar-dhamaadka Champions League-ga la ciyaari doono iyadoo uusan ka qeyb galeynin Cristiano Ronaldo.

Balse Messi ayaan wali u dhaweyn tirada goolasha uu Ronaldo ka dhaliyay tartankan, inkastoo hadda uu heysto fursad uu kusii badiyo goolashiisa.

Barcelona ayaa wajihi doonta midkii soo badiya labada kooxood ee kala ah Liverpool iyo FC Porto, kuwaasoo caawa oo Arbaco ah foodda isdari doona.

Waxaa sidoo kale isku biro tumanaya kooxaha Manchester City iyo Tottenham, oo middii caawa soo badisa ay ka hor tagi doonto kooxda Ajax Amsterdam.

Messi ma soo qaban doonaa Ronaldo?

Cristiano Ronaldo ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee ku guuleystay koobka ay adagtahay in xitaa tartankiisa laga qeyb galo ee Champions League-ga, mana jiro ciyaartoy kale oo abid heerkaas gaaray.

Ronaldo waa ciyaaryahanka kaliya ee 5 jeer ku guuleystay koobka Champions League-ga

Sannadkii 2008-dii ayuu kula guuleystay kooxda Manchester United, halka sannadkii 2014-kii uu la qaaday kooxdiisii hore ee Real Madrid, kuwaasoo uu sidoo kale u sahlay inay saddex jeer oo isku xigta koobkaas hantaan sanadihii 2016-kii, 2017-kii iyo 2018-kii.

Messi ayaase horay koobkaas ugu guuleystay 4 jeer oo uu la qaaday kooxdiisa Barcelona, isagoo hadda rajo ka qaba in uu soo qabto Ronaldo, uuna markii 5-aad dhagaha qabto koobkaas.

Dadka falanqeeya amuuraha kubadda cagta ayaa ku kala aragti duwan isbarbar dhigga xirfadaha cajiibka ah ee Messi iyo Ronaldo ay leeyihiin, waxaana wali si rasmi ah aan la isugu waafaqsaneyn midka lagu tilmaami karo laacibkii ugu fiicnaa ee abid soo mara dunida.

Lionel Messi oo u dhashay Argentina iyo Cristiano Ronald oo u dhashay Portugal ayaa mid walba waxa uu 5 jeer ku guuleystay abaal marinta kubadda dahabka ah (Ballon d’Or) ee la siiyo ciyaartoyga ugu wanaagsan sanadka.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here