Meherkii Qarniga iyo Xafladii Ambassador hotel ee Magaaladda Hargeysa + SAWIRRO

0
1179

Meherkii Qarniga 6Hargeysa (HargeisaPress) — Xaflad Meher oo lagu qiimeeyey Meherkii Qarniga Somaliland ayaa maanta ka Qabsoontay Ambassador Hotel Hargeysa , Xafladan oo ahayd madal kulmisay dhamaan qaybaha kala duwan ee qaranka Somaliland.

Xafladan Meherka ahayd ayaa waxa madasha la isugu guurinaayeyMr.Xasan C/laahi Diirye oo uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Rugta Ganacsiga Somaliland mudada dheer hayey iyo Ayaan Maxamed Siciid Ducaale oo uu dhalay Mulkiilaha shirkada weyn ee Dahabshiil ayaa waxa kazoo qayb-galay marti sharaf aad u tiro badanoo ay kamid ahaayeen , Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ,Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faal Cali Waraabe ,Wasiiro tiro badan oo Xukuumada ka socday ,Xildibaano ka tirsanGolayaasha Qaranka iyo HaldoorkaHogaanka Dhaqanka Somaliland .Meherkii Qarniga 5

Xafladan oo ahayd mid si heer-sare ah loosoo agaasimay ayaa waxa Haldoorkii Madasha ku kulmay isku waydaarsadeenKaftan iyoXikaayaad aad u xiiso badan iyadoogabagabadiina la isku guuriyeyBoqorkii iyo Boqoradii is calmaday oo kalaahaa Mudane Xasan C/laahi Diiriye iyo Marwo Ayaan Maxamed Siciid

Meherkii Qarniga 7

Xaflada la iskugu Guurinaayey labadan Ruux ee is Calmaday oo ahayd mid qaab-maamuuskeedu ka sareeyeyXafladihiihore loo arki jiray ee dalka ka dhici jirey taasoo qaybo badan ka koobnayd ayaa waxa gunaanadkeedii waxa ay Madaxdii iyo marti saraftii tirade badnayd ee MadashakazooxaadirayHambalyoiyo Duco u direen, Mudane Xasan C/laahi Diiriye iyo Marwo Ayaan Maxamed Siciidoo Madashaloogu Ciyaarayey.

Meherkii Qarniga Ee Qaranka Somaliland 4

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY