Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo Soo Saartay Jadwalka Natiijada Doorashada

0
2214

Hargeisa (Hargeisa Press) – Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa waxaa ay maanta soo saartay jadwalka rasmiga ah ee ansixinta natiijada doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 20-ka degmo doorasho ee dalka.

Jadwalkan ansixinta natiijada doorashada ee goleyaasha Deegaanka, ayaa waxaa soo gudbiyay Maxkamadaha gobollada iyo kuwa degmooyinka dalka.

Maxkamadda sare ee Somaliland oo jadwalkan ku socodsiisay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in ay wasaaraddu soo sheegtay wakhtiga la ansixinayo xubnaha lagu soo doortay doorashadii ka dhacday Somaliland 31-kii bishii May.

Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa dhawaan loo gudbiyay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.

Doorashadii Somaliland ka dhacday bishii May, ayaa waxa ay noqotay tii todobaad ee Somaliland ka dhacda, iyadoona ku soo dhammaatay si nabad gelyo ah, waxaana doorashooyinkaasi si weyn u bogaadiyay wadamada Caalamka iyo kuwa dalalka Afrika, iyadoona warbaahinta dunidu ay si weyn wax uga qortay qaabkii ay u qabsoontay doorashadu.

LEAVE A REPLY