Hargeysa, (HargeisaPress) —Maxkamada Dastuuriga Somaliland ayaa la filayaa inay Maalinta isniinta ee todobaadkan ay xal kasoo saarto khilaafkii dacwada Xisbiga UCID ee ka dhaxeeyay Labada Garab ee Jamaal iyo Faysal.
Labada Garaba waxay sheegayaan Inay Dacwadaasi ka filayaan inay Guuleysan Doonaan.Hore ayay Guddida Diwaangalinta Ururada siyaasada Somaliland ay xal uga soo saartay Khilaafka Xisbiga UCID.
Go’aankan ay soo saarto maxkamadda sare ayaa noqonay go’aankii ugu danbeeyey ee laga soo saaro khilaafka xisbiga UCID oo muddo badan soo jiitamayay kaasi oona dabar u noqonaya khilaafka iyo waliba labadan garab ee khilaafku ka dhex aloosan yahay.
Bulshada Somaliland ayaa iyagu si wayn ugu dhag taaganaya go’aanka kama danbaysta ah ee khilaafka ragaadiyay xisbiga UCID ay kasoo saarto maxkamadda sare ee Somaliland.
Go’aankaasi waxaa rafcaan ka qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP