Maxkamadda Sare Ee Mareykanka oo Gaadhay Go’aan Saameynaya 3,000 oo Soomaali Ah

0
1071

Washington (Hargeisa Press) – Maxkamadda Sare ee Mareykanka, ayaa Isniintii shalay ahAyd go’aan ka soo saartay in deganaanshaha rasmiga ah ee Green Card aan la siin doonin dadka haysta sharciga kumeel gaadhka ah ee loo yaqaan TPS ee sida sharci-darrada ah ku soo galay Mareykanka.

Go’aankan, ayaa saameynaya ku dhawaad 400,000 oo qof oo ugu yaraan 3,000 oo ka mid ah ay Soomaali yihiin, kuwaas oo ka kala yimid 12 dal.

“Waa go’aan dhabar-jab weyn ku ah qoysas badan oo Soomaaliyeed, aad ayaan u xumaaday arrintan” ayuu VOA u sheegay Cabduwaaxid Qalinle oo ka mid ah garyaqaanada Soomaali ah oo ka howl-gala magaalada Minneapolis, Isla markaana gacanta ku haya kiisas badan oo uu saameynayo go’aankan.

“Niyad-jab weyn ayay sidoo kale ahayd in dhammaan sagaalka garsoore ee maxkamada isku raaceen go’aankan, waxaan fileynay in ugu yaraan saddex ka mid ah ay diidaan, waxaan kula talinayaa dadka uu go’aankani saameynayo inay deg-deg u la xidhiidhaan garyaqaannadooda” ayuu sii raaciyay abuukaate Cabduwaaxid Qalinle.

Dadkan oo qaarkood ay nolol iyo qoysas ku sameysteen Mareykanka, ayaa go’aanka Maxkamadda Sare wuxuu kahor istaagayaa inay dalbadaan deganaanshaha Mareykanka.

Muhaajiriinta haysta TPS ee sharcigu ka ilaalinayo in la mustaafirin, ayaa ka kala yimid dalalka Soomaaliya, El Salvador, Haiti, Honduras, Myanmar, Nepal, Nicaragua, South Sudan, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here