Maxkamadda Maroodijeex Oo Bilawday Dhegaysiga Dacwadda Weriye Coldoon

0
801

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa maanta bilawday dhegaysiga dacwadda loo haysto Cbadi Maalik Muuse Coldoon, oo loo haysto saddex eedood oo laba kamida ay isku mid yihiin.

Saddexdaas dacwadood ee loo haysto Coldoon ayaa labadda isku dhaw waxay kala yihiin warar been abuur ah oo uu ku ceebaynayay, sida lagu soo eedeeyay, taasoo uu dhibane ka yahay dugsiga Abaarso Tech.

Sidoo kale dacwadda saddexaad ee loo haysto Coldoon ayaa lagu sheegay dacaayado uu ka faafiyay qaranka Somaliland, iyadoo hadalka lagu haystaa uu yahay qaranka Somaliland waxa uu la mid yahay talis hoogay.

Sida uu faahfaahiyay garyaqaanka u doodaya Cabdi Maalik Coldoon, oo kadib markii ay dhamaatay dhegaysiga dacwadda loo haysto Coldoon warbaahinta la hadlay.

Halkan Hoose Ka Daawo Garyaqaanka Coldoon Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here