Maxkamadda ICC Oo Weydiisatay Sacuudiga inay Xidho Madaxweynaha Sudan

0
1043

Hague, (Hargeisa Press) — Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee (ICC) ayaa ka dalbatay dowladda Sacuudiga in la xidho madaxweynaha Suudan Cumar Al-Bashiir oo Xaramaynka u jooga gudashada waajibaadka xajka.

War kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in ICC ay dirtay codsigan, waxaana madaxweyne Al-Bashiir loo haystaa in danbiyo xasuuq u badan uu ka gaystay gobolka Darfuur ilaa iyo sanadkii 2009-kii.

“Bishan kowdeedi ,waxaan ogaannay in Al-bashiir uu gaaray talaadaadi la soo dhaafay Sacuudiga si uu u guto waajibaadka xajka “ayaa lagu yiri war ka soo baxay maxkamadda maalin ka dib marki madaxweynaha Suudaan uu u duulay dalkaas.

Waxaa kaloo warka ka soo baxay ICC ay dowladda Sacuudiga uga dalbatay in ay ixtiraamaan qaraarkii ay saxiixeen dowladaha xubnaha ka ah golaha amniga sanadkii 1593-dii ,kaasi oo hoosta ka xariiqaya in si dhamaystiran loola shaqeeyo maxkamadda.

Masuuliyinta dowladda Suudaan ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixnayaan warka ka soo yeeray maxkamadda ,waxaana madaxweyne Al-bashiir ku wehliya safarka uu ku joogo Sacuudiga masuuliyin xukuumaddiisa ka tirsan.

Ugu danbayntii bilowgii sanadkan dowladda Sacuudiga ayaa hakisay xidhiidhkii ganacsi ee ay la wadaagi jireen dowladda Suudaan ,lamana hubo in dowladda Sacuudiga ay aqbali doonto dalabka uga yimi ICC ee arintan ku saabsan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here