Maxkamadda Ciidamada Somaliland oo xukuno ku riday eedeysanayaal dil geystay

0
1184

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maxkamadda ciidamada darejada koowaad ee Somaliland, ayaa waxaa ay saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal dhawaan dil ka gaystey magaalada Gabiley.

Eedaysaneyaashan ay saaka Maxkamaddu xukunka ku riday oo 5 qof ahaa, ayaa waxaa ay ku eedaysnaayeen dilka Marxuum Buux Mawliid Ismaciil oo magaalada Gabiley lagu dilay.

Maxkamadda ciidamada darajada koowaad ee Somaliland, ayaa waxaa ay xukun dil ah ku riday Saalax Isaaq oo lagu helay inuu dilka geystay.

Sidoo kale, maxkamadda, ayaa waxaa ay xukuno u kala dhaxeeya 13 sanno illaa 4 sanno ku kala riday 4 eedeysane oo kale.

Maxkamadda ciidamada darejada koowaad ee Somaliland, ayaa shalay sidan oo kale xukun dil toogasho ah ku ridday Askarigii dhawaan dilka u geystay Taliyihii Saldhigga Booliiska Xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, Marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur.

Maxkamadda ciidamada Somaliland, ayaa waxaa ay sidoo kale xukun ku riday Askari kale oo falkaas lug ku lahaa iyadoona lagu xukumay 13 sanno oo xadhig ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here