Hargeysa (Hargeisa Press)- Maxkamadda Ciidamada Darejada koobaad ee Somaliland, ayaa maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku ridday Askarigii dhawaan dilka u geystay Taliyihii Saldhigga Booliiska Xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, Gaashaanle Cabdi Cali Nuur.
Maxkamadda Ciidamada Somaliland, ayaa waxaa ay sidoo kale xukun ku riday Askari kale oo falkaas lug ku lahaa iyadoona lagu xukumay 13 sano oo xadhig ah.
Garsooruha, ayaa waxaa uu sheegay in Askari ay qirteen dambiyada ay geysteen, isla markaana ay maxkamaddu dhagaysatay afar markhaati iyo baadhihii kiiska, sidaas darteedna ay caddaatay in ay geysteen falalka loo haysto.
Askariga dilka u geystay Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge Marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, ayaa ka tirsanaa isla Saldhiga Maxamed Mooge, kaas oo taliyaha u dilay si argagax leh xili uu shaqadiisa ku guda jiray.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somalilanda oo maanta hortagay Guddida Amniga ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in dilalkan la sheegay in lagu fuliyay middi aanay ahayn dilal abaabulan, balse ay ahaayeen falal ay geysteen dad ujeedooyin kala duwan leh.