Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Xayiradii Ka Qaaday Wargeyska Hubsad

0
998

Hargeysa,(HargeisaPress)–Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday Wargeyska Hubsad oo muddo shan sanno ah ay xayiraadi saarnayd. 

Dacwada Wargeyska Hubsad ayaa Maxkmadda hor taalay muddo sannad ku dhaw, iyada oo lagu soo eedeeyey kiis la xidhiidha Mulkiyada Wargeyska. Mulkiilaha Wargeyska C/rashiid Nuur Wacays iyo Tifaftiraha guud ee Wargeyskaasi Siciid Khadar aw-Cabdillaahi ayaa xabsiga loo taxaabay dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2016. 

Waxaanay xoriyadoodii dib u heleen markii ay xarunta dambi baadhista CID-da ee Hargeysa ku xidhnaayeen muddo shan maalmood ah. 

Badhtamihii sannadkii 2016-ka ayay ahayd markii ugu horaysay oo dacwada wargeysku ay ka bilaabantay Maxkamada Gobolka Hargeisa, 7da bisha November 2016 ayaa Maxkamada Gobolku qaraar ay soo saartay ku wayday wax dambi ah, waxaanay soo saartay go’aan ay xayiraadii kaga qaadayso wargeyska Hubsad. 

hasa yeeshee, xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa racfaanka ka qaadatay go’aankaasi. Waxana kiiska wargeysku u gudbay Maxkamada racfaanka ee Gobolka Hargeysa. 7da bisha May sannadkii 2017 ayaa Maxkamada racfaankuna soo saartay go’aan la mid ah kii maxkamadii hore ay soo saartay ee ahaa dambi la’aanta. Mar kale, ayay Xeer ilaalinta qaranku racfaan labaad ka qaadatay go’aankaasi, sidaasi ayaanu ugu soo gudbay Maxkamada sare ee Somaliland. 

Guddida wada jir u soo saartay go’aanka Maxkamada sare ayaa kala ahaa: garsoore C/raxmaan Xasan Nuur, guddoomiyaha dacwada iyo labada garsoore ee kala ah: Garsoore Maxamed Maxamuud iyo Garsoore Cabdillahi Cabdi Aden.

LEAVE A REPLY