Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo Xukun Adag Ku Ridey Xubno Al-shabaabnimo Ku Eedaysan

0
629

Muqdisho (Hargeisa Press) – Maxkamada Ciidammada Qalabka sida ee Dawladda Soomaaliya ayaa Maanta xukunno u dhexeeya Xabsi Daa’in, 15 Sanadood illaa 8 Sanadood ku kala xukuntay 8 Qof oo ku eedaysan inay ka mid yihiin Al-shabaab.

8 Ruux oo ka soo hormuuqday Maxkamadda Ciidamada ayaa kala ah Axmed Cabdiqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidoow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), Cabdishakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Weheliye (Gaabow), Cabdikhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheekh Cabdillaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa ka mid ahaanshiyaha  Al-Shabaab gaar ahaan qeybta loo yaqaano Amniyaadka oo dadka sida gaadmada ah ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Saafi Ciise Arwaax oo ah haweenayda keliya ee ku jirta Dadkan la xukumay ayaa kooxda Al-shabaab ku biirtay 2018, waxayna sida la sheegay ahayd kala-gudbiya hubka fudud ee kooxdu kaga hawl-galaan gudaha Muqdisho.

Waxay sheegtay in ay ugu yeedhay ku biirista kooxda haweeney ay deris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay ka mid ahaayeen in laba nin ay kala tageen ayay ku sheegtay inayugu biirtay kooxda.

Waxay Maxkamadda horteeda ka sheegtay inay Xaafado badan oo cidhifyada Magaalada Muqdisho ah u kala gudbin jirtay  Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada loo adeegsado.

Garsooreyaasha Maxkamadda Ciidammada ayaa Axmed Cabdiqaadir Axmed ku xukumay xabsi daa’in, sidoo kale Maxkamaddu waxay min  15 sanadood ku xukuntay.

  1. Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale
  2. Saafi Ciise Arwaax.
  3. Yaasiin Maxamed Abtidoon.
  4. CabdiShakuur Cali Maxamuud
  5. Farxaan Aadan Yuusuf Weheliye.

Halka ay min 8 Sanadood oo xadhig ah ku xukuntay.

  1. Farxaan Faarax Maxamuud Fiidoow iyo
  2. Xasan Sheekh Cabdillaahi Abuubakar.

Waxa xusid mudan in Maxkamadda Ciidammadu xorriyaddiisa u soo celisay isla-markaana amartay in la siidaayo Cabdikhadar Mire Axmed.

 

Hargeisa Press Desk/ Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY