Maxay yihiin amarrada ay Somaliland ku soo rogtay diyaaradaha hawadeeda mara?

0
173

Hargeysa โ€“ Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay hawadeeda soo geli karin, isla markaana mari karin diyaaradaha aan oggolaansho iyo fasax ka haysan wasaaraddeeda duulista hawada.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, ayaa lagu sheegay in duullimaad kasta oo soo gala hawadeeda oggolaansho la’aan ay ka qaadayso tallaabo.

“Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Somaliland waxay ku dhawaaqaysaa amar cusub oo dhigaya in dhammaan diyaaradaha rayidka ah ee jadwalka qorsheysan leh iyo kuwa aan lahayn iyo kuwa ganacsi ay waajib ku tahay inay helaan ogolaansho ka hor inta aanay gelin, marin ama ka hawl gelin hawada sare ee Somaliland” ayaa lagu yidhi war-saxaafaddeedkan Wasaaraddu soo saartay.

Wasaaradda Duulistu waxay digniin u dirtay diyaaraddaha u hoggaansami waaya amaradeeda “duulimaad kasta oo ogolaansho la’aan gala hawada Somaliland uu noqonaya mid jabinaya qaranimada Somaliland, waxaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.”

Amarradan cusub ayey Somaliland sheegtay in ay dhaqan galayaan bishan gudaheeda.

“Amarkan wuxuu dhaqan gelayaa 10-ka bishan November, waxaana loo raacay heshiiska duulista rayidka ah ee Chicago Convention. Sidoo kale wuxuu xoojinayaa madaxbannaanida iyo awoodda buuxda ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ku leedahay dhulkeeda, biyahaheeda, iyo hawadeeda.” Ayaa qoraalka la raaciyay.

Saleebaan Saxansaxo BBC- Hargeisaย 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here