Maxay tahay sababta loo joojiyay tartankii kubadda ee gabdhaha Somaliland?

0
985

Somaliland ayaa hakisay tartan ciyaaraha kubadda cagta ah oo maanta lagu waday in magaalada Hargeysa looga furo kooxaha gabdhaha ah ee gobollada Somaliland.

Wasaaradda Ciyaaraha, oo soo saartay amarka, ayaa sheegtay in hannaanka ciyaarahaas lagu waday uu yahay “mid hareer marsan shareecada Islaamka iyo dhaqankaba”.

Agaasimaha ciyaaraha ee Somaliland, Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin, ayaa BBC-da u sharraxaysababaha ay tartankaas u baajiyeen.

“Horta Wasaarad ahaan waxaan dhiirrigalinnaa in wiilasha iyo gabdhuhu ay helaan fursado isku mid ah oo dhinaca ciyaaraha ah, laakiin aan baal marsaneyn shareecada Islaamka. Waa in habluhu ay meel asturan ku ciyaaraan, waa in aysan raggu daawanin, waana in aan muuqaalladooda la baahinin oo aan lagu arkin telefishinnada iyo baraha bulshada,” ayuu yidhi.

Tallaabada ay qaadeen ayuu ku tilmaamay mid ku timid xad gudubyo lagu sameeyay sharcigii loo dajiyay tartanka kubadda cagta ee gabdhaha Somaliland.

“Runtii waxaa isbaddalay arrintii. Waxaa tartanka loo sameeyay xayeysiis, waxaa lagu wareystay hablihii, waxaa dhex joogay wiilal ciyaaryahanno ah oo dhahaya gabdhaheenna waxaan u taageereynaa sidii ay noo taageeri jireen, arrintaasna waa mid sharciga baar marsan.

“Waxaa kale oo baraha bulshada lasoo dhigay sawirro iyo muuqaallo muujinaya gabdhihii oo xiran saraawiil gaagaaban, taas ayaana keentay in la joojiyo tartanka, ilaa inta waxyaabaha qalloocan la toosinayo,” ayuu yidhi Agaasimaha ciyaaraha ee Somaliland, Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin.

Wuxuu agaasimaha intaas ku daray in amarka kasoo baxay wasaaradda ciyaaraha loo cuskaday xeerka.

“Dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa in wax kasta oo shareecada islaamka ka hor imaanaya in aaney bannaaneyn oo in la sameeyo aaney ahayn, arrintaasi way qalloocatay waana toosineynaa hadduu Alle idmo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xarunta tartanka loogu qabanayay gabdhaha gobollada ee ciyaara kubadda cagta ayaa furneyd tan iyo sanadkii 2017-kii.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gabdhaha tartanka isku diyaarinayay aysan wax xad gudub ah ku sameynin sharciga is asturidda, sawirrada ay maamulka qoonsadeenna ay yihiin kuwo ay faafiyeen dad kale oo aan iyaga ahayn.

Lama oga waqtiga uu tartankaas dib u billaaban doono, laakiin agaasimaha ciyaaraha ayaa sheegay in amarka lagu joojiyay uu ku xiran yahay ilaa inta waxyaabaha khaladan ee uu sheegay laga saxayo.

LEAVE A REPLY