Maxay Tahay Sababta Keentay Rajo Xumada Imtixanaadka Ardayda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya?

0
650

Jigjiga (Hargeisa Press)- Waxa sii xoogaysanaya Ardayda walwalka ka qabta natiijada imtixaanadka dugsiyada sare ee dalka Itoobiya.

Natiijada la helayo ayaa ah dhibcaha ama buundooyinka maado walba inta aan ka ahayn hal maado oo dib loogu noqon doono halka wali waxa la sugaya natiijada Ardayda gali doonta jaamacadaha.

”Waxa hada la soo dhajiyay waa dhibcihii uu Arday walba uu keenay, laakiin lama sheegayo in Ardaygu dhacay ama uu baasay, walina la go’aaminin heerka lagu dhacayo markii tan la shaaciyo iyada oo laga duulayo xaalada guud ee Ardayda ayaa la jaangooyaa heerka ay Ardaydu ku baasayso heer qaran.’ Sidaas sheegay Cabdullaahi Maxamed Muuse oo ah Wasiirka Waxbarashada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka ayaa la waydiiayay sababta natiijadan hordhaca ah ay u tahay mid ay Arday iyo Waalidiin badan ka walwaleen iyo sababta keentay in ay Ardayda deegaanku sannadkan yihiin kuwo ku liita imtixaanka heerka dugsiyada sare,

”Sannad dugsiyeedkan markii uu bilowday waynu qiyaasi karnaa iyada oo macalimiintii dugsiyada dhigayay ay wakhtigii rabshaduhu bilowdeen deegaanka ka carareen, manhajkii aan la daabicin iskuuladii xidhan yihiin, dhibaatooyin badan oo sannadkan khaas u ahaa ayaa jiray arinkan ayaa saamayn ku yeelanayay natiijada ay ardaydu helayaan laba waxa jiray dhibaatooyin kale oo soo jireen ahaa oo soo taxnaa sida tayada iskuulada iyo macalimiinta oo hoosaysay iskuulada iyo ardayda oo aan isku dheeli tirnayn” ayuu yidhi Wasiir Cabdullaahi.

Dhanka kale, waxa uu Wasiirku sheegay in ay jirto maado qalad ka jiro oo dib loogu noqon doono si loo saxo.

.

Maxay tahay fursada kale ee ay helayaan ardayda fasalka 12 hadii ay gudbi waayaan

Wasiirka waxbarashada deegaan Soomaalida Itoobiya ayaa aaminsan in degaanku u diyaariyay ardayda aan helin buundada fiican jaanis kale oo uu heli karo isaga oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi

”Sannadkan waxan ku dadaalnay in ay ardaydu helaan natiijo fiican, hadii laga maarmi waayo oo ay dhacdo in ardaygu aanu helin buunadadii uu jaamacadda ku gali lahaa deegaanku wuxu leeyahay jaanisyo kale kuliyado ayaa jira lagu xarayn karo”

Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ragaadiyay colaado u dhaxeeyay jabhado iyo maamuladii milateriga ahaa ee soo maamulayay deegaankaasi, tan ayaa sababtay in ay lunto tayada Waxbarashada deegaanku, halka arday badan laga soo eryay Jaamacadaha wadankaasi sannadka ugu horeeya sababo la xadhiidha aqoonta ardaydan oo ka hoosaysa aqoonta lagu dhiganayo Jaamacadaha.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY