Maxay maanta baraha bulshada u qabsadeen eedeymaha ka dhanka ah Trump iyo baaqa xil kaqaadista?

0
1289
Trump ayaa eedeeyay haweenka ka tirsan Congres-ka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay inuu cunsurinimo ku dhaqmay kaddib markii uu bartiisa twitter-ka ku weeraray 4 haween ah oo ka tirsan aqalka wakiillada.

Dadka adeegsada baraha xiriirka bulshada ayaa si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha inuu xad gudub bani’aadannimo ku sameeyay muwaadiniin Mareykan ah, waxaana arrintan ay dad badan u arkaan dab xoog leh oo ku shidmay maamulka hoggaamiyaha Mareykanka.

Siyaasiyiin badan iyo kuwo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa tallaabadaan ku cambaareeyay madaxweynaha.

Mr Trump ayaa sheegay in haweenkan “ay asal ahaan kasoo jeedaan waddamo gabi ahaanba burbursan oo uu qalalaase hareeyay”, isagoo sidoo kalena soo jeediyay “inay waddamadooda dib ugu laabtaan”.

Markaas kaddib ayuu sheegay in afhayeenka aqalka Congress-ka “Nancy Pelosi ay aad ugu farxi doonto inay sida ugu dhakhsiyaha badan dumarkaas ugu sameyso diyaar garowga safarkooda oo bilaash ah”.

Madaxweyne Trump ayaa lagu dhaliilayaa cunsurinimo

Arrintan ayaa timid hal isbuuc kaddib markii ay isku dhaceen Ms Pelosi iyo “kooxda dumarka ah”, oo ka kooban 4 siyaasi oo ka wada tirsan garabka bidix ee xisbiga dimuqraaddiga, dhammaantoodna aan caddaan ahayn.

Saddex ka mid ah afartooda, oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley ayaa ku dhashay kuna barbaaray Mareykanka, halka Ilhaan Cumar ay iyadoo yar tagtay Mareykanka.

Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay xarun lagu magacaabo Bronx oo ku taalla magaalada New York, taasoo 12 mayl oo kaliya u jirta isbitaalka Queens, oo ah goobta uu ku dhashay Mr Trump qudhiisa.

Muxuu yiri madaxweynuhu?

Saddex qoraal oo uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

Wuxuu qoraalkiisu ahaa sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan(xitaa haddiiba ay shaqeeyaan), haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ah ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo.

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen”.

“Meelahaas ayaa aad garab idiinkaga baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah”.

Nancy Pelosi ayaa si weyn u cambaareysay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Trump, halka Rashida Tlaib ay jawaabteeda Twitter-ka iyadana ku sheegtay baaq ay ku jeedisay in xilka laga qaado Mr Trump.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo galinkii dambe ee maanta kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

BBC

LEAVE A REPLY