Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo James Swan?

0
810

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan.

Labada dhinac, ayaa ka wadahadlay hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, gurmadka fatahaadaha iyo xakameynta xanuunka safmarka ah ee COVID-19, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxmed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Somaliya, James Swan oo ay ka wadahadleen hirgelinta doorashooyinka, ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisal Wasaaraha, gurmadka dadkii ku waxyeeloobay fatahaadaha & xakameynta caabuqa COVID-19.” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Geesta kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in dhankiisa ay ka go’an tahay in wakhtiga doorashadu aanu dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dardar-gelintooda gacan laga gaysto.

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyay qorshihii uu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo 1-dii bishii May uu hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ugu wareejiyay Ra’iisal Wasaarihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here