Maxay Ka Wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Guddiga Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda?

0
1288

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kulan la qaatay xubnaha Guddiga Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Guddiga Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, ayaa ugu horeyn uga warbixiyey Madaxweynaha, ururrada siyaasadda ee buuxiyey shuruudihii diwaangelinta Ururrada Siyaasadda kuwaas oo tiradoodu dhantahay 15 Urur Siyaasadeed.

Sidoo kale, waxay guddigu Madaxweynaha uga warbixiyeen halka ay hawluhu u marayaan ilaa hadda iyo waxyaabaha u qabsoomay, waxanay xuseen yoolkooda shaqo ee mustaqbalku inuu yahay ka midho dhalinta shaqada ay qaranka u hayaan inay u gutaan sida ugu habboon iyagoo dhawraya, raacayana dastuurka qaranka iyo shuruucda dalka u dejisan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu guddiga uga mahadnaqay, kuna hambalyeeyey shaqada ay qaranka u hayaan iyo dedaalka ay sameeyeen mudadii ay xilkaa hayeen.

Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi kula dardaarmay Guddiga Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka inay halkaa ka sii wadaan shaqada ay hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here