“Maxamuud Xaashow Da’deed Ahayd Markaad Xoolaha Umada Ku Tasa Rufaysay, Aayadaha Quraanka Ee Aad Soo Daliishanayso Ma Maantay Soo Dageen”.Siyaasi Buuni

0
2195

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Cabdinaasir Maxamed Buuni oo hore uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaa jawaabay kulul ka bixiyay hadalo dhowaan ka soo yeedhay Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu ku dhaliilay hogaaminta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa.

Siyaasi Buuni oo maanta warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Maxamuud Xaashi aanay u banaanayn in maanta uu umadda Somaliland lasoo hor istaago arrimo ku saabsan musuq iyo wax isdabamarin.

Waxaana uu soo bandhigay lacago badan oo uu u lunsaday Maxamuud Xaashi wakhtigii uu wasiirka ka ahaa xukuumadii Axmed Siilaanyo.

“Maxamuud Xaashow da’deed ahayd markaad xoolaha umadda ku tasa rufaysay, Aayadaha quraanka ee aad maanta soo daliishanaysa ma maantay soo dageen ? Soo may jirin markaad xilka haysayba, waxaad umadda u sheegayso waxaad tahay qofka koobaad ee ku sifoobay, aakhiradaada u tudho oo umadda cafis weydiiso  ” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here