Maxamuud Xaashi Wuxuu Xilka Qaranka Ka Maqnaa Laba Sanadood Sidee Baynu Uga Aqbalnaa Waxaan Leeyahey Han Kale iyo Jabhadbaan Sameynayaa

0
1436

Marka Xaqiiqada ama Nabarka Hoos loogu Dhaadhaco dadka Reer Somaliland badhkii ayaa u fahma in ay arintaasi Qof Nacayb ama Qof Jeclaysi,Waxaan kamid ahaa Shakhsiyan Dadkii Siyaasad ahaan ku taageerayay, in Maxamuud Xaashi Cabdi Hankiisa Xaq  u leeyahey, oo ay u banaan Tahey in uu ku tartamo Siyaasada Xisbiga Kulmiye iyo Hogaamintiisa

Inkastoo, ay Jiraan Tuhuno badan oo la Xidhiidha mudadii uu Xilka Qaranka hayey, Maxamuud Xaashi Cabdi (Wasiirkii hore ee Madaxtooyada), iyo Waliba (Wasiirkii hore ee Duulista Hawadda), oo labada Jeerba ku beegan in uu kamid ahaa ama ahaa xubnaha miisaanka leh ee mar walba ka Qeyb gala taladii  Xukuumadii uu Gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, Waxaa isaga Maxamuud ahaan Marka Goonidiisa loo hadalqaado marar baddan xantii Shacbiga Reer Somaliland u badinayeen oo aheyd, in uu hurintiisa Wax ka ogaa Dagaaladii Ceel-Afweyn ee Colaadii u dhaxysay abtiyaashii iyo Tolkii taasina Waxa ay dadka fiirada Dheeri sabab uga dhigi jireen inta baddan in Xukuumadaas iyo Ragii taladu ka go,aysay, ujeedada ay ka lahaayeen, aheyd si Muddo kordhin Xukuumadu u hesho, oo Doorashadii Madaxtooyada ee Soo Qadineyd dib loo dhigo, Maadaama Xalka Xiisadii Ceel-Afweyn aaney Xukuumadaa hore, ka gali, jirin Xal loo helo Nabad ka dhalata oo Xaqiiqda ku Saleysan, maadaama, had iyo Jeer ay Mushkiladu mar walba Bilaw ka aheyd Geesta Maxamuud Xaashi Wasiirkii Awooda badnaa Dhinaca Tolkii Sidaana ay ku daba dheeraatey Xiisadii Ceel-Afweyn ee Colaadaha Sokeeye, oo soo gaadhey ilaa iyo Xukuumadan Dambe ee Xisbiga Kulmiye ka dhalatey.

Haddaba marka aan hoos ugu dhaadhaco Nuxurka Qoraalkan, Waxaa dadka Reer Somaliland Maanta Jimcihii ilaa Xaley Caweyskii si aad ah loo hadalhayey Koox kaga Dhawaaqey Deegaanka Gobolka Sanaag in ay Yihiin Jabhad lamid ah tii ka dhalatey Dulmigii iyo Cadaalad Daradii Wakhtigii ay Maxamuud Xaashi,Saaxiibkay(Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu) midida Daabkeeda u hayey Waxa Qof kasta oo Caqligiisa iyo Fikirkiisa Min Qiyaasay, Jabhadaasi iyo Cududa Ardaaga ay ku dhawaaqeen Magac ahaan ee Beesha(Muuse-Abokor) Habar-jeclo barri waxaa loo aqoonsadey, Koox bar bilaw u ah Dhaqdhaqaaqyada hirdanka Xisbiga Kulmiye lagaga Ridanayo Madaxweynaha Xiligan Talada Somaliland haya, Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Kooxdan Musdambeedkooda, iyo  dhismahoodaba aanu marna ka Maqneyn Maxamuud Xaashi Cabdi oo Godkaa Ceel-Afweyn rabshadaheeda, iyo Golcadaa Sanaag ee Beesha Muuse Abokor guud ahaanba Damaciisa iyo Siyaasadiisu fadhiisatey.

Haddaba Waxaan Leeyahey, Maxamuudaw Xilka Waxaad ka maqneyd, Muddo yar Damacaaguna Waa mid lagula Qabbo, oo Waxaan Leeyahey kaa Ragba Wuu Wada Qabaa, Waxaanse kaa Soconayn, oo aan Cidina kaa dhageysaneyn, inaanay laba isku kaa qabanayn, Ninkii Wuxuu yidhi laba Walba isa saarayoo, Laba Tagoogood isma Saarin, Suurtagal  ma aha  inaad mar Walba Qaboojiso Badheedhahaaga Siyaasiga ah, oo dhulka Jiifiso Damacaaga aan Joogsiga laheyn, ee aad Waayeelka ka ilaalisey,iyo in aad Arimahan Foosha Xun ee Shacabka Somaliland mar Walba Gobolka Sanaag iyo Ceel-Afweyn ka maqlayaan aad Daaha Dambe ujoogto, Siyaasada Waxaad ka maqan Tahey Wakhti kooban Waxaa Fursada kaa leh adiga iyo Beesha aad kasoo Jeedaba Marka Jeegaanta laga tago,umada kale ee Reer Somaliland ee aasaaska Kulmiye tacab iyo tabarba ku lahaa xataa hadey Beesha Dhexe yihiin, Markaa jid lagaaga Horeeyay,oo Cadaalad daradii lagaa tirsanayey ku timid, ana kaasaan Marayaa Foolxumadeeda ayay Leedahay,e Waxaan kugula Talin lahaa Adiga Madaxweynaha Xisbiga kaa Haystaa Qoddob kaliya Isku ogaada, Ina aydaan Abaal isku laheyn, Sidaad adigu Aaminsan Tahey ee Xisaabtaadu tahey, isku ogaada, Mid kalena isku ogaada oo, in aad Dagaal badheedhe ah Wax ku kala Dhacsaneysaan, iyo in aad isku tanaasuleysaan isku ogaada,  Buurmadawna Qoddob isku ogaada, oo in aad Maruun si xaqiiq ah isku aaminaysaan,oo meel u wada Socotaan,oo aydaan kala Leexanayn isku Ogaada, Shacabka Somalilandna Mid isku ogaada in aad Tahey Ninkii shaley Xilka ka hayay Qaranka oo hadana Mid kale ka Doonaya isku ogaada ,oo ha isku ogaanina Rabshadahan Ceel-Afweyn iyo Jabhadahan  laga maqlayo, Gobolka Sanaag

 

Wabilaahi Tawfiiq

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339  

LEAVE A REPLY