Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi Doorashada Wakiillada Ee KULMIYE Lagaga Adkaaday?

0
1395

Hargeysa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay loolankii loogu jiray Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, taasi oo lagu kala Calaf-qaaday Salaasadii Toddobaadkan.

Maxamuud Xaashi oo ay siyaasad ahaan isku hayaan Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in Dalku ka gudbay Dagaalkii siyaasadeed ee xisbiyada ka dhexeeyay, sidaasi darteed lagu abshiro natiijadii ka soo baxday doorashada.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo Qoraal dheer ku baahiyey Internet-ka ayaa u qornaa sidan  “Saddexdii bilood ee u danbeeyay waxaa dhexdeena ka socday loolan iyo laacdan siyaasadeed, taas oo salka ku haysay tartankii doorashada golaha wakiillada iyo degaanka ee dalka ka qabsoontay. Eebe mahadii shalay (Doraad) ayaynu soo gunaanadnay xamaasaddii, xanaftii, iyo xafiiltankii ololaha ee u dhexeeyay qoodha iyo qamaamuurta siyaasadeed ee Qaranka. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa doqontu haddii la ficiltamayo, waxay mooddaa in la kala tagayo. Sidaa darteed, maanta laga bilaabo waa inaynu xalay dhalay ka noqonaa xamaasaddii iyo xagtimihii doorashada.

Maanta mar haddii uu Qarankeenu guulaystay waxaa dhaba in aynu Dhamaanteen guulaysanay. Waxaynu muujinay in aynu nahay ummad bisil, oo leh aragti iyo ujeeddo fog, taas oo aanay kala irdhayn karin olole siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan midina. Waxaynu tusnay adduun-weynaha intiisa kale iyo asaageenba in aynu nahay dad leh dal, diin, dhaqan, kala danbayn, nidaam dawladnimo, dastuur ay ku kala baxaan, duqay iyo waxgarad dhexdhexaadin kara xilliyada aynu noqono laba dhinac oo midba meel ku dhago.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u soo jeedinayaa dhammaan shacbiga Somaliland, Madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha Maxkamadda sare mudane Aadan Xaaji Cali, Xubnaha gudida doorashoiyinka Qaranka, Madaxda sadexda Xisbi Qaran, guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax, mudanayaasha cusub ee golaha wakiillada iyo dhamaan shaqaalihii golaha Wakiillada ee shalay xilka u gutay sida hufan.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa xubnaha shir-guddoonka cusub ee la doortay

Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed (guddoomiye)

Mudane Siciid Mire Faarax (gudoomiye ku-xigeenka koowaad)

Mudane Cali Xaamud Jibriil (guddoomiye ku-xigeenka labaad).

Waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa saddexdii murashax ee aan guulaysan

Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fatoon)

Mudane Cumar Jaamac Faarax

Mudane Cabdinasir Yuusuf Cismaan (Qodax)

Sidii geesinimada, gobanimada, iyo guurtinimada lahayd ee ay u garwaaqsadeen natiijadii doorashada.

Ugu dambayn siyaasadda ceeb iyo cay kuma aha in aad guuldaraysato. Hasayeeshee waxaa ceeb ku ah in aad garwaaqsan weydo in lagaa guulaystay, ama aad garan weydo sababta keentay guuldaradaada. Guul iyo gobanimo Somaliland.”

LEAVE A REPLY