Maxamed Xaashi: Doorashadii Dhacday Waxay Soo Dedajinaysaa Aqoonsiga Somaliland

0
1460

Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi oo hore xilal uga soo qabtay Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlay doorashooyinkii isku sidkanaa ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomay Somaliland.

Waxaanu sidoo kale Maxamed Xaashi Cilmi ku bogaadiyay Xisbiyada qaranka, shacabka iyo xukuumada sidii ay uga qayb qaateen doorashada.

Siyaasi Maxamed Xaashi, ayaa waxaa uu sheegay in Doorashooyinka Isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay Somaliland u suurto-galinayso Aqoonsi Caalami ah oo ay hesho.

Eng Maxamed Xaashi oo warbaahinta qaarkood ugu warramay magaalada Hargeysa maanta, waxa uu sheegay in doorashadani ahayd tii ugu horreeyey nooceeda ee dalka ka qabsoonta, maadaama isku mar la qabtay doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada isla markaana ay codbixiyeyaashu uga qayb-qaateen si ka duwan qaabkii ay markii hore ugu codeyn jireen xildhibaannada la dooranayo.

 

LEAVE A REPLY