Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: Dib U Milicsashada Nolosha Aabbihii Dhidibada U Aasay Somaliland

0
1491
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal

Hargeisa (Hargeisa Press) – Muddo 19 sano ah ayaa laga joogaa maanta oo kale markii uu geeriyooday Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ahaa madaxweynihii dhidibada u aasay Somaliland (1993-2002).

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal  wuxuu ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika 3 bishii May 2002-dii isaga oo ah 73 sano jir, wuxuu kaalin weyn oo hoggaamineed ku lahaa siyaasada bulshada Soomaalida muddo dhan qarni badhkii.

Waxa uu ku dhashay degmada Oodweyne 1929, isaga oo wax ku bartay dugsigii magaca weynaa ee Sheekh, markii dambena waxaa uu waxbarasho u tegay dalka Ingiriiska.

Waxa uu markuu hanaqaaday ka mid noqday dadkii horseedka u ahaa halgankii gumaysigii Ingiriiska Somaliland lagaga xoreynayay isaga oo xoghaye guud ka noqday Xisbigii SNL ee dhaliyey Somaliland.

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, yaraan ayuu ku dhashay dareenka siyasadda.

Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahaa macallimiintii ugu horreeyey Somaliland waxa uu sheegay in uu Cigaal ka mid ahaa laba Ardaydiisa ah oo rumeeyay riyooyinkoodii.

Cigaal iyo dareenka siyaasadda

Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo gacan qaadaya codbixiyayaal isugu soo baxay inay u codeeyaan aftida loo qaadayay dastuurka Somaliland sanaddii 2001

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim siyaasadda wxuu u galay magac isagoona u gelin maaliyad inuu ka helo aakhirkiina wuu ku guulaystay.

Siyaasadu marna maskaxdiisa kama bixin Cigaal wuxuu ka mid noqday naadigii Pan Africanism ee u dhaqdhaqaaqayay madaxbannaanida Afrika iyo Afrika oo midowda, isaga oo wax ku baranayay dalka Ingiriiska.

Halkaas buu kala soo noqday dareen halgan, waana kii markiiba isaga oo dhallinyaro ah xoghaye guud u noqdday xisbigii SNL ee laga soo gaabiyay Somali National League ee hormuudka u ahaa madaxbannaanida Somaliland 26 Juun 1960.

Halgankaa madaxbannaanida Somaliland waxa kale oo u dheeraa halgan kale oo uu ku baadigoobayey midowga shanti Soomaaliyeed. Wuxu iskaga dabqaaday dhammaan gobolladdii ku jiray gacanta gumaysiga, isaga ayaana ahaa Raysal Wasaaraha Somaliland markii ay la midowday Soomaaliya 1 July 1960.

Midnimada kadib iyo Cigaal

akg-images - Mohammed Haji Ibrahim Egal

Kolkii Soomaalidu madaxbannaanida qaadatay 1960 waxa yaraa waayo-aragnimada Soomaalidu u leedahay siyaasadda iyo dawladnimada. Sidaa darteed waxa markiiba lagu dhacay dabin ujeeddadiisu wanaagsanayd balse jidka loo marayey qaldanaa, kaas oo ahaa baadigoobka midnimadii shanta Soomaaliyeed iyo sida saddexdii hadhay ugu soo biiri lahaayeen labadan xoroobay.

Arrintaas hoggaamiyeyaashii Soomaalidu dhib ayay kala kulmeen, waxana ay ka faquuqmeen dalalkii deriska ee Itoobiya iyo Kenya iyada oo Jamhuuriyaddii Soomaaliya go’doon siyaasadeed dunida ka gashay. Arrintaas waxa u sabab ahaa bisayl la’aanta siyaasiyiinta Soomaalida iyo iyaga oo aan dib ugu noqon taariikhdii gumaysi ee Soomaalidu soo martay iyo aragtidii gumeystayaasha.

Haddaba markii uu Cabdirashiid Cali Sharmarke u magacaabay Cigaal Raysal wasaare sannadkii 1967dii, wuxuu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal u janjeedhay dhinaca dawladaha reer galbeedka la yimid siyaasad furfuran oo lagu wajahayo qadiyada dalalka maqan iyada oo halka laga duulayaa tahay in dadyowga Soomaaliyeed ee dalalkaa ku nool loo dabafadhiisto qadiyadda aaye ka tashiga ee aan la hor cararin.

Siyaasaddaas cusub ee Cigaal la yimid waa uu u guuxay Cabdrishiid Cali Sharmarke waxana laga ansixiyay baarlamaankii iyo xisbigii, sidaas baana xidhiidhkii dalalka derisku dib ugu furfurmay, dunidii reer galbeedkuna way soo dhowaysay.

Wax yar kadib askartii kacaanka ayaa la wareegay xukunka Soomaaliya iyaga oo afgembiyay dowladdii Siyaas Barre kadib markii la dilay Cabdirashiid Cabdrishiid Cali Sharmarke sannadkii 1969. Cigaal na wuxuu xabsi ku qaatay 12kii sanno ee xigay. Laakiin ka hadhin siyaasadda oo uu ku sii jiray ilaa uu ka geeriyooday isaga oo mar walbana meesha uu joogo wax ku biirinayay.

Kolkii Soomaaliya lagu kala yaacay waxa uu qayb ka noqday shirarkii dib u heshiisiinta gaar ahaan kuwii Jabuuti ka dhacay 1991 oo uu isagu shir guddoominayay.

Dhismihii Somaliland

Maxamed Xaaji Ibraahim Wuxuu noqday madaxweynihii labaad ee Somaliland isaga oo lagu doortay shirkii Boorama bishii May 16kii, sannadkii 1993dii. Laakiin waxaa la tilmaamay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal in uu yahay aabbihii dhismaha Somaliland-ta cusub ee dhidibbada u taagay qaran ku dhisan nabad, dimuqraadiyad iyo wada-tashi.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dadka isaga ayaa hoggaamin jiraye dadku ma hoggaamin jirin. intuu dheeraa hoggaamiyeyaashii kale waa intaa, dadkuna way ku kalsoonaayeen. Waxa uu ahaa nin waxa uu qabanayo garanaya oo ku-dhac leh.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa uu ahaa nin siyaasad ahaan bisil oo adduunyada yaqaan islamarkaana waxaa uu ahaa Nin xal nabadeed keeni kara, dalkana dhisi kara.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY