Maxamed Cali Dable: Masuulka Ugu Haboon Ee Ka Saari Kara Duruufaha Ay Ku Jiraan Bulshadda Berbera

0
685

Berbera (HP): Bulsho waynta ku dhaqan guud ahaan gobolka saaxil ku dhawaan 27 sannadood ayeynu raadinaynay shaqsi fiican  oo dadkan iyo gobolkan wax u qaban kara,maanta ayeynu gacanta ku haynaa ee u dhug yeesha”.waa Maxamed Dable).

Maxamed  Ibraahim Ismaaciil(Maxamed Dable)oo ah Muwaadin Somalilander ah isla markaana ah Nin Ganacsade ah, kana mid ah Maal qabeenadda Dalka lagana wada yaqaano gayiga Soomaalida isaga oo aan wax baahiya u qabin aduun,Maal iyo Lacagtoona,l.

Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda Dabkii baxaya ayaa Dab lagu qabasadaa  ina uu maanta isu sharaxo Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera waxa ku kalifay waxa ay tahay  in uu dalkiisa iyo dadkiisa gaar ahaana bulshada ku dhaqan gobolada Saaxil uga faa”iidayo Cilmigiisa Caqligiisa,aqoontiisa iyo Waayo-aragnimadiisa si uu uga saaro baahiyaha kala duwan ee ku gadaaman Deegaanadaasi si uu uga badbaadin lahaa inay doortaan mid weel madhan sida oo raba inuu ka buuxsado.

Runtiina Waa Masuulka ay shacbiga Gobolka Saaxil, u Aaminsanyihiin  inuu yahay ninka ugu muddan ee ay u qabaan inuu yahay ka Duruufta ay ku jiraan ka saari kara,Sababta oo ah marka aynu hoos u eegno ama qiimayno  wax-qabadkii faraha  badnaa  ee uu ka gaadhay dhinaca horumarinta shaqadiisa iyo arrimaha ganacsigiisa oo ah kuwo si balaadhan oo muuqda uga dhex muuqda guud ahaan Somaliland, Waxaanay cid kastaa og-soontahay oo ay marag ka tahay gaar ahaanna dadka aqoonta leh ee wax cabira  in aan qofna hal maami Karin horumarka muuqda

Sida oo kale arrimahana Ilaahay[sw] ayaa iska leh oo wax waliba wuxuu ku yimaada Rabitaanka Alleh, maanta iyo barri qofna kuma xisaabtami karo,laakiin dadka wax qiimeeyaa ama waxgaradka ahi waxa ay dhammaantood Aaminsanyihiin in uu INA DABLE yahay qofka kaliya ee isbadal samayn kara

Sidaa darted waxa hubaal ah in uu Maxamed Caawa u taagan yahay darawalinta iyo hagidda golaha deegaanka berbera, maadaama oo ay weliba dadka reer saaxil Hamuun iyo Baahi wayn ay u qabaan Hogaamiye ka turjuma Dareenkooda

Maxamed  oo ah Aqoon yahan iyo siyaasi dhiig cusub ah isla markaana ay Bulshadda Gobolka Saaxil  sidaa ku doortaan,waxaana ka markhaati kacay guud ahaan Shacbi waynaha ku dhaqan gobolka saaxil iyo guud ahaan inta la socota waxqabadkiisa iyo guulihiisa uu ka gaadhay dhanka ganacsiga iyo waxqabadkiisa Horumarineed,

waxaan ku soo gabo gabaynayaa tixyar oo dardaaran ah, waana sidan:- Ma og tahay Diga rogodka maanya ah gacmuhu weys dugsanayaane Dawgaad banaysaa mid  kale daylo soo marine Degalkaad furtaa baa ka kale dayr u soo jari ee Dabka aad shidaa baa ka kale saari dogob.

 

Qore: Nuur Maxamuud Caraale.

LEAVE A REPLY