Maxakamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukunno Ku Riday Eedaysaneyaal Loo Haystay Qaraxii Lagu Hoobtay Ee Djibouti Ka Dhacay

0
1721

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maxkamadda gobolka Hargeysa oo ay weheliso maxakamadda racfaanka ee gobolkaasi ayaa la weriyey in ay toddobaadkan dhamaaday xukunno kala duwan ku rideen qaar kamid ah eedaysaneyaal loo haystay in ay ku lug lahaayeen qarax lagu hoobtay oo kal saddexaad ka dhacay wadanka Jabbuuti kasi oo ay masuuliyadiisa sheegatay xarakada Alshabaab.

Xukun ay maxakamada gobolka Maroodijeex soosaartay isla markaana ay maxakamadda racfaanka ee gobolku ayiday ayaa lagusheegay in lix sanno oo xadhig ah lagu xukumay eedaysane lagu sheegay magaciisa C/salaan Maxamed Warsame, isla markaana laga soo qabtay Gobolka SOOL, kaasi oo lagu helay sida ay shabakadda wararka ee Waaheen oo warkan degelkeeda xalay ku baahisay sheegtay in uu shandadii ay ku jireen Suumankii ay isku qarxiyeen Ninkii iyo gabadhii fuliyey qaraxii Jabuuti.

C/salaan ayaa maxkamadda iyo Booliiska u qirtay in shandada Suumamka ah ee lagu qarxiyey qaar ka mid ah Jabuuti looga soo dhiibay magaaladda Laascaanood, isla markaana uu gacanta ka galiyey ninkii loogu soo dhiibay oo ay hore xukuumadda Somaliland ugu wareejisay Dalka Jabuuti.

Sidoo kale, waxay Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa dhagaysatay dacwad la xidhiidha dhacdadan oo dadkii hore loogu xukumay ay ka soo Rafcaan qaateen, halka kuwo kale ay dhamaysteen xukunaddii lagu riday, taasoo ay iyaduna shalay soo saartay xukuno u dhaxeeya Lix sano illaa shan iyo toban sano. Maxkamadda Rafcaanku waxay xukun gaadhay Lix sano ku riday Kawsar Maxamuud Cismaan oo ka mid ahayd kooxdaasi, halka Ninkeeda oo la yidhaa Mukhtar Sh Axmed Xasan lagu xukumay isagoo maqan shan iyo toban sano oo xadhig ah. Maxamed Cabdi Cismaan oo ku magac Dheer Bukhaari ayaa isna isagoo maqan lagu xukumay shan iyo toban shano oo xadhig ah, waxaanay labada maqan ba yihiin laba sarkaal oo ku soo tababartay xarumaha alshabaab ee Baraawe iyo Kismaayo Hoon-jiingo iyo Godane, iyagoo ahaa maskaxdii ka danbaysay qaraxii Jabuuti. Hodan Axmed Cali iyo Muuse Hiraab ayaa ahaa labadii qof ee fuliyey qaraxii lala eegtay dalka Jabuuti, halkaas oo ay labaduba ku dhinteen.

Dawladda Jabuuti ayaan iyadu wax go’aan ah wali ka gaadhin xubnihii ka mid ahaa silsiladiii qaraxyadaas ku lugta lahaa oo ay Somaliland hore ugu gacan galisay, halka ay waliba Somaliland gacan weyn ka siisay baadhista dacwada loo haysto Eedaysanayaashaas.

Qaraxii Jabuuti ayaa ahaa kii ugu danbeeyey ee ay fuliyaan kooxda Alshabaab, kadib markii la qab qabtay inta badan dadkii gacanta ka gaystay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here