Maxakamadda Ciidamada Oo Xukuntay Askarigii Dilay Taliyihii Saldhiga Arabsiyo iyo Marxumka Oo Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Hargeysa

0
781

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Mawliid Maxamed Suudi, oo ah Askarigii Shalay toogtay Taliyihii Saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil(Cabdicase).

Askarigan oo Taliyaha Boolisku isla shalay ba sheegay in si degdeg ah loo dhameeyay Kiiskiisa ayaa Taliyaha Gudoomiyaha Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ee Somaliland Kornayl Yuusuf Faarax Sharma’arke maanta sheegay in Askarigaasi dil toogasho ah lagu xukumaday.

Waxa uu sheegay in Askariga Maxakamaddayntiisu Magaalada Hargeysa Maanta ka socotay islamarkaana uu Maxakamadda ka hor qirtay inuu dilay Taliyihii Booliska Arabsiyo.

Alle ha u Naxariistee Cabdi Ismaaciil, taliyihii Booliska Saldhiga Arabsiyo, ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeysa.Madaxweyne xigeenka, xubno Golaha wasiirada ka mid ah,Xildhibaano iyo Madax kale ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn u hadal haysa dilka Saraakiisha ka dib markii laba todobaad ka horna Askari uu Qorilugud ku dilay laba sarkaal oo Guutada uu ka tirsanaa maamulayay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here