Maxaa Xayiray Aqoonsiga Somaliland Raadinaysay 28-ka Sanadood?

0
773
Aadan Muuse Jibriil

Tirsigii kan ka horeyey ee Runtu ma fanta waxaynu kasoo hadalay arrintii ahayd in Somaliland aanay aqoonsi heli Karayn ila iyo inta ayQoraal ahaanku caddaynayso ka hadhista sheegashadii dhuleed ee dalalka deriska ah ee ku salaysnayd aragtida Isir-raaca (Somali-weyn) maxa yeelay waxay kasoo horjeeda kana tarjumaysay Cahdiga (charter) Midowga Africa iyo kan Qaramada Midowbey oo u taagan in xuduudihii Gumaysgu u jeexay Africa aan la beddeli Karin. Arrinkamabd’a Isir-raaca (Somali-Irrendentism) maaha mid Somaliland keligeed u dabran tahay ee waa mid sidoo kale Somalia nafteeduna u xanniman tahay oo aan faragelinata shisheeyuhumarnaba iyo sinaba uga dhammaanayn inta dabaqada siyaasadda aaminsan mabda’a Isir-raaca ay gacanta sare ku leedahay xukun kasta oo ka jira meel ka mid ah geyiga Somalida.

Arrinta labaad ee ku gudban aqoonsiga Somaliland, sida dalwladaha dimoqoraadiyaada taageera u arkaan, waxay tahay in aanay kalsooni buuxda ku qabin geeddi-socodka dawlad-dhiska iyodimoqoraadiyada Somaliland in ay tahay mid aan xagal-daac iyo dibugirasho ku imaan karayn.Haddaba bal aynu arrinka kalsooni la’aantaiyo xaladaha ku xeeran isudul taagano kuna soo koobno sua’asha ah sidee loo arkaa xaalka geedi-socodka dimoqoraadiyada Somaliland iyo meesha uu marayo.

Dalalka iyo hay’adaha dimoqoraadiyada taageera waxay leeyihiin hab-climiyeed ay kula socdaan dhacdooyinka dunida ka socda, dhexdoodana waxa ka jira xog is-daafsi joogteysan oo ah qaab soo jireen ahaa muddo dheer. Kaasoo maalin kasta, bil kasta iyo sanad kasta dib loogu eego laguna faaqidayo xaaladaha laga dan leeyahay, taas oo dad xirfadeeda iyo aqoonteed lihi u qaabilsan yihiin. Sadaas darteed waxa la ogyahay sanad kasta waxa ku soo kordhay ama ka dhacay geeddi socodka dimoqoraadiyada Somaliland, iyo xagal-daaca iyo dibugurshada ku dhacday iyo sida ay maanta u gashay wiriq-oodan iyo mixnad sida looga saaraa ay adagtahay, marka laga eego hab-dhaqanka dabaqadda siyaasadda ee maanta. Bal hadda aynu soo qaadano dareenka mid ka mid ah hay’adaha daneeya dimoqoraadiyada oo ah hay’ada la yidhaahdo Guriga Dimoqoraadiyada (Freedom House) warbixinta ay ka qortay Somaliland 2017:

English version: While past elections in Somaliland have been generally free and fair, scheduled polls are frequently postponed, and clan politics dominate the political landscape. Journalists face pressure from authorities, and police occasionally employ excessive force or detain suspects for longer than permitted under the law. Violence against women remains a problem. 

(freedomhouse.org/report/freedom-world/2017/Somaliland)

Somali Version: In kasta oo doorashooynkii hore ee Somaliland ka dhacday guud ahaan ay u dhaceen si xor iyo xalaal ah, haddana waxaa had iyo jeer dib loo dhigaa waqtigii loo qorsheeyey doorashada, waxaanajawiga maamulka siyaasada hadaysa siyaasadaha reernimada. Saxafiyiinta ayaa culeys kala kulma mas’uuliyiinta, booliiskuna mararka qaar waxay adeegsadaan awood dheeraada ah ama waxay xidhaan dadka aytuhunsanyihiin in ka badan inta sharcigu oggol yahay. Xadgudubkaka dhanka ah haweenka ayaa wali dhibaato ah. (Freedomhouse.org/report/freedom-world/2017/Somaliland).

La socotoddabaadka dame

adamjibril@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here