Maxaa Sabab U Ah Khilaafka U Dhexeeya Xubnaha Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley iyo Maayir Maxamed Amiin – Faallo

0
1360
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,ahna Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi

Gabiley,(HargeisaPress)—Inkastoo, khilaafkani Noqdey mid maalmihii u Dambeeyay Qaraxiisu Dibadda usoo baxey kadib markii, ay qeyb ka noqdeen Masuuliyiin katirsan Xukuumadda Dhexe, oo aan Xog buuran ka qabin halkii uu kasoo bilaabmey,iyo Nuxurka xuduntiisa,waxa uu ahaa Khilaaf muddo soo huursanaa, islamarkaana, ay sabab u aheyd in lagu kala fikir duwanaa dhaqdhaqaaqyo dhinaca Adeegyada Waxqabadka aasaasiga u ah Bulshada.

Qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley ayaa wakhti xaadirkan, si aad ah uga cadhooday khilaafka u dhexeeya Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyo qeyb kamid ah Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

“Sagaal Maayarr oo Soo Marrey Gabiley Waa Maayarkii Ugu Saaameynta Badnaa ee Wax Qabad La Taaban Karro,Ka Qabtey Magaalada Gabiley, Wax Badan Ayaan la fahmayaa hadda halka khilaafku ka jirro,Waana Mudacyo afkood iyagana Tallo ayaa igala gudboon Waxaanan Leeyahey Khaatumadda ha iska Xumaynina wixii Xaal mastuur ah ee Maayarka ku Xidhan waa in lala hadlo, idina Waxqabadka inta hadhsan Dhinaca la qabataan” Sidaa Waxa yidhi Ibraahim Axmed Xasan (Sangal),oo kamid ah odoyaasha Gobolka Gabiley,ee Waayo aragnimadda u leh Arimaha khilaafaadka Maayarada iyo Xildhibaanadda Golaha Deegaanka maadaama uu kamid ahaa Golihii hore ee Deegaanka Gabiley.

Arimaha Wakhti xaadirkan, Banaanka usoo saarey khilaafka xilligan u Dhexeeya Maayarka Gabiley iyo Qaar kamid ah Xildhibaanadda Golaha Deegaanka, ayaa sabab u ah bilawga Dhismaha Jid 2km ah oo Maayarku ka bilaabay Gudaha Magaalada Gabiley,iyo Waliba Hawlgal lagu banaynayo Waddooyin Gudaha Magaalada ah kuwaas o lagu burburiyay Guryo,iyo Dhismayaal islamarkaana, ay ka ficil qaateen Masuulyiin katirsan Xukuumadda Dhexe oo aribtaa si khaldan loogu fasirey, Tusaale ahaana Khilaafkii ka kacey Beerta Ilma Sheekh Cabdilaahi Xaddi,iyo Qoysas uu Murran dhex marey Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Waliba Qadar dhaqaale oo Maayarku ku buuxiyay Dhismaha jidadka kuwaas oo Xildhibaanadda badhkood filayeen in ay ku dhameystaan Hawlo gaar ah.

Sikasta oo ay tahey, Waxa uu Maalmihii u Dambeeyay khilaafkaasi u muuqdaa mid iska soo gabagaboobay Kadib Markii Xubnaha Xildhibaanaddan Maayarka eedaynaya lagu Qanciyay in muddo Xileedkii Golayaasha Deegaanada D/hoose Dalku dhamaadey sidaa daraadeedna ay Suurtagal tahey haddii ay Maayarka Mudici ku noqdaan in aaney kala hadhin dhamaan Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,loona Magacaabo Maayar ku meel gaadh ah taas,oo ay ku qanceen Xubnihii ugu mudiciga adkaa Khilaafka Maayarkooda u dhexeeya.

La Soco Warbixino kale

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here