Maxaa lamaanahan ku kallifay inay badda dhexdeeda dagaan?

0
1126

BANGKOK — Nin u dhashay dalka Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa laga yaaba in lagu rido xukun dil ah, kadib markii lagu eedeeyey inay “guri ka dhisteen badda” waddanka Thailand.

Chad Elwartowski iyo xaaskiisa Supranee Thepdet ayaa hadda dhuumaaleysanaya, kadib markii ay ciidamada badda sheegeen inay khatar geliyeen nabad galyada iyo madaxbanaanida dalka.

Gurigooda oo ku fadhiya 20m, ayaa ku yaalla 12 mayl u jirta xeebta Phuket.

Balse Mr Elwartowski ayaa ku andacoonaya in ay joogeen 13 mayl ka fog xeebta ayna ka baxsantahay dhulka Thailand.

“Ciidamada badda ayaa helay hoy ku dhex yaalla gudaha badda balse ma jirin qof ku dhex jiray,” Nikorn Somsuk oo ah jeneraal ka tirsan ciidamada booliska ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamada badda ay la kulmeen saraakiisha deegaanka wuxuuna yidhi: “waa in aan ogaannaa tilaabada xigta”.

Ciidamada ayaa sheegay in lamaanaha aysan wax fasax ah ka dalbanin Thailand ka hor inta aysan dhisin guriga.

Haddii lamaanahan lagu helo inay carqaladaynayeen madax bannaanida Thailand waxaa laga yaaba inay muteystaan xukun xabsi daa’in ah ama dil lagu xukumo.

Maxay lamaanahan sameeyeen?

Mr Elwartowski ayaa sida lagu waramay waxa uu ahaa injineeer ka howl galayay xarunta ciidamada militariga ee Mareykanka, ka hor inta uusan noqonin ganacsade.

Lammaanaha ayaa ka tirsan urur u dhaqdhaqaaqa sidii dhismeyaal looga sameysan lahaa badaha caalamiga ah, si markaas ay u madax bannaanaadaan, oo aysan ugu dhaqmin shuruucda ka jirta dalalka aduunka oo dhan.

Waxay sidoo kale qayb ka yihiin ol’olaha dhisidda badaha, taasoo ay ku howlan yihiin koox ganacsato ah oo ka shaqeeya sidii ay u maalgelin lahaayeen guryaha noocaas ah.

Muuqaal la shaaciyey bishii Febraayo, ayuu Mr Elwartowski ku sheegay in bulshada ay tahay “halka ay xorriyad iyo dad wanaagsan ku wada kulmi karaan ayna dareemi karaan”.

Dhismaha ayaa goor sii horreysay la dhisay balse laamaha ammaanka ayaa ogaaday isbuucan.

Mr Elwartowski ayaa AFP u sheegay in lamaanaha ay hadda isku qarinayaan meel ammaan ah.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here