Maxaa Lagu Haystaa Ciyaartoyda Turkiga Ee isree-reebka Qaramada Yurub?

0
1628

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xidhiidhka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub ee magaciisa loo soo gaabiyo Uefa ayaa baadhitaan ku sameyn doona salaan milatari oo ay bixiyeen ciyaartoyda xulka qaranka Turkiga, ka dib markii xiddiga u ciyaara kooxda Everton, Cenk Tosun, uu dhaliyay goolkii guusha ee ciyaartii ay la yeesheen xulka Albania.

Turkiga ayaa Jimcihii 1-0 uga adkaaday Albania, xilli uu socdo dagaalka Waqooyiga Suuriya ku dhexmaraya ciidamada Turkiga iyo xoogagga Kurdiyiinta.

Tosun ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawirka salaanta milatariga, wuxuuna ku soo qoray: “Waxaan ugu talagalnay qarankeenna, gaar ahaan kuwa naftooda halista u galiyay qarankeenna dartii”.

Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Yurub ayaan oggoleyn in ciyaarahooda lagu lifaaqo arrimo siyaasadeed.

Guusha ugu dambeysay ayaa Turkiga u suurtagalisay inay booska ugu sarreeya uga jiraan xulalka la isku beegay ee u loollamaya ka qeyb galka ciyaaraha Euro 2020.

Maalintii Arbacada ayey howlgal milatari oo aad u weyn, kaasoo ay ka wadaan deegaannada Waqooyiga Suuriya ee ay gacanta ku hayaan xoogagga ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee Suuriga, oo magacooda loo soo gaabiyo (SDF).

Tobannaan qof oo rayid ah iyo ciidamo labada dhinac kasoo kala jeeda ayaa lagu dilay dagaalkaas, oo wali socda.

Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Turkiga ayaa iyaguna Instagram-ka soo dhigay sawirka ciyaartoyda Turkiga iyo tababareyaal salaan milatari saaraya oo ku jira qolka labiska, waxayna soo raaciyeen farriin ay ku leeyihiin: “Meesha aan ku soconno waa horyaalnimada! Toddoba ciyaarood ka dib waxaan hoggaamineynaa Group-ka H ee ku loollameysa isree-reebka tartanka qaramada qaaradda Yurubub. Guushan waxaan siineynaa ciidamadeenna geesiyaasha ah”.

Afhayeen u hadlay xidhiidhka Uefa oo lagu magacaabo Philip Townsend ayaa wakaaladda wararka Talyaaniga ee Ansa u sheegay in Salaanta ciyaartoyda Turkiga “ay u muuqan karto arrin laga cadhoodo”.

“Waxaan damaanad qaad u bixin karaa inaan baadhitaan ku sameyn doonno”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Howlgalka Milatari ee uu Turkiga ka wado Suuriga ayaa hadda hadheynaya ciyaarta ka tirsan isree-reebka Euro 2020 ee ay France iyo Turkey isniinta ku yeelan doonaan magaalada Paris.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa markii hore qorsheynayay inuu tago garoonka ay ciyaartaas ka dhaceyso, balse wuxuu hadda ku dhawaaqay inuu baajiyay ka qeybgalistiisa.

Sidoo kale xildhibaan ka tirsan xisbiga midigta dhexe ee UDI, oo lagu magacaabo Jean-Christophe Lagarde, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku yidhi: “Siduu qof ku oggolaan karaa in ciyaar ka tirsan tartamada kubadda cagta loo adeegsado ol’ole siyaasadeed oo lagu taageerayo waddan faragalin milatari ku sameeyay waddan kale oo xulafadeenna ah?”

Ciyaartoy ka noqotay taageero ay u muujiyeen sawirka

Guddiga anshaxa ee Uefa ayaa mamnuuc ka dhigay “in wax walba oo cadho abuuri kara loo adeegsado ciyaaraha iyo munaasabadaha kale ee la xidhiidha, gaar ahaan arrimaha siyaasadeed ee muranka dhaliya, fikrado, diin iyo waxyaabo kale oo dhib loo arki karo”.

Laba ciyaartoy oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga, balse u ciyaara xulka qaranka Jarmalka – oo kala ah Ilkay Gundogan iyo Emre Can – ayaa astaan taageero muujineysa saaray sawirka salaanta milatariga ee uu soo galiyay Tosun, hase yeeshee labadooduba markii dambe way ka noqdeen taageeradaas.

Bishii May ee sanadkii 2018-kii, Gundogan oo ah xiddig u ciyaara kooxda Manchester City iyo Mesut Özil oo u ciyaara kooxda Arsenal ayaa lagu dhaleeceeyay sawirro ay lasoo galeen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Bishii June ee isla sanadkii 2018-kii, Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa ganaax dul dhigay saddex ciyaartoy oo ka tirsan xulka qaranka Switzerland, ka dib markii ay astaamo muujinaya qarannimada Albania kusoo bandhigeen ciyaar ka tirsaneyd tartankii Koobka adduunka oo ay la yeesheen xulka Serbia.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY