Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta?

0
641

Hargeisa (Hargeisa Press) – Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiista Maanta qabsoomay ayaa lagaga hadlay Ahmiyadda Amnigu u leeyahay Dalka.

Shirkan oo uu Guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu dhamaaday waxa laga soo saaray War-saxaafadeed dheer, kaasi oo u qornaa sidan “Kal-fadhigii 41-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta lagu lafo-guray arrimaha nabad-gelyada, sidoo kalena waxa  warbixin lagaga dhegaystay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

Waxa kulankan diiradda lagu saaray adkaynta amniga waxaanu goluhu ku dheeraadeen ahmiyadda weyn ee nabadgelyadu u leedahay dalka iyo dadka iyagoo hoosta ka xariiqay in cid kasta oo lidi ku ah amniga laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, oo aan loo  dulqaadan cid kasta oo ku hawlan nabadgelyo daro iyo hurinta colaadaha soo noqnoqday.

Waxa kale oo goluhu warbixin dheer ka dhegaysteen guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda mudane Farxaan Aadan Haybe oo sharaxaad ka siiyay golaha hawlaha horumarineed ee hay’adda shaqaaluhu ku hawlan tahay, isagoo tilmaamay inay dib u habayn iyo tayayn ku samaynayaan waaxaha maamulka iyo maaliyadda iyo cududda shaqaalaha si kor loogu qaado tababarrada iyo xirfadda shaqaalaha dawladda isla-markaana loo hirgeliyo hannaanka, maamul wanaagga, daah-furnaanta iyo maamul daadejinta gobollada iyo degmooyinka ee shaqaalaha dawladda.

Ugu danbayn, waxa goluhu xusay muhiimadda xeerka hawl-gabka iyo xaqsiintu u leeyahay  ciidamada qalabka sida  si ay isula jaan-qaadaan horumarinta shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu, xeerkaas oo horyaal golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale goluhu wuxuu ku dhiiri-geliyey guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda in shaqaalaha dawladdu noqdaan shaqaale aqooneed  oo la tartama shaqaalaha caalamka..”

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY