Maxaa Ku Cusbaa Bandhigga Carwadda Buugaagta Hargaysa Ee Maanta+Sawirro

0
839

“Maanta ii oggolaada in aan ahay Oday dhaqameed reer Yurub ah oo Somaliland jooga…” Safiirka Midawga Yurub Amb Nicolás Berlanga Martínez

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Munaasibadda Bandhiga Caalamiga ah 12-aad ee Buugaagta Hargeysa oo maanta si rasmiya uga furantay isla magaaladda Hargaysa ayaa ahayd mid si weyn loo soo aggaasimay.

Waxaana ka furay Xarunta Dhaqanka ee magaalada Hargeysa oo soo qaban-qaabisa Carwada Buugaagta Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa International Book Fair oo sannadkan dalka Masar marti ku yahay. Waxaa ka soo qaybgalay 92 Xubnood oo kala kala socda 23 dal, Safiirrada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabbilsan Midawga Yurub Nicolás Berlanga.

Safiirka Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat El-ginw, Qorayaal, Abwaanno, Hal-abuur kala duwan, Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Obama, Wasiirro, Xildhibaanno, Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda, Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga, ayaa sheegay inay farxad u tahay ka qaybgalka Bandhigga 12-aad ee Carwada Buugaagta Hargeysa.

Waxaanu yidhi “Waxaa farxad weyn ii ah, dhammaanteenna farxad u ah inaan ka soo qaybgalno Bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa sannadkii 12-aad, oo qiimo weyn innagu jooga.

Waxaan marka hore u mahad-naqayaa dhammaan martida sharafta badan ee dunida dacalladeeda innooga timi ee inna soo sharaftay.”

Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa ugu horreyn halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay in sannadkan dalka Masar oo ka mid ah Dalalka Afrika ee  lagaga hadlo Luuqadda Carabiga uu marti ku yahay Bandhigga 12-aad ee Buugaagta Hargeysa.

Jaamac waxa uu xusay in ay fursad u tahay maaddaama ay jiraan dhalinyaro Somaliland u dhashay oo ku hadla Luuqadda Carabiga, kuwaas oo uu sheegay inay ka faa’idaysanayaan fursaddaa.

“Anigoo ku hadlaya magaca Xarunta dhaqanka Hargeysa iyo kooxda soo fududaydisay munaasibaddan layaabka leh, waxaan idinku soo dhawaynayaa 12-guurada Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Bandhigga Caalamiga ah ee Hargeysa International Book Fair 2019” ayuu yidhi Dr. Jaamac.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Jaamac Muuse, waxa kaloo uu sheegay in sannadkan uu Halku-dhega Bandhiggu yahay, Wada-noolaansha Bulshada oo uu sheegay in ay ka turjumayso munaasibadda Bandhigga 12-aad ee Buugaagta Hargeysa ee sannadkan oo Hargeysa lagu qabtay 20 July 2019.

Waxaanu yidhi “Waxa innala jooga 92 Ergay oo ka kala yimi 23 dal oo caalami ah. 92-kaa Qof waxaan rabnaa inay noqdaan 92 Safiir oo arka quruxdiinna, wanaaggiinna, dhalinyarada Somaliland siday yihiin iyo Qaranka Somaliland siduu yahay.

Dibadda-na geeya farriintaas oo yidhaahda waxaannu soo aragnay meel ka duwan Afrika inteeda kale, oo Buugaagta la jecelyahay, qoraalka la jecelyahay, Suugaanta la jecelyahay, wada-noolaanshaha la jecelyahay.”

Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyana furitaankii Bandhigga caalamiga ah ka hadashay, ayaa hambalyada iyo mahad-naqa Xarunta ka sokow.  Waxaanay sheegtay in Somaliland leedahay xuduudo mucayim ah oo la garanayo.

Edna ayaa   xustay in Somaliland ku faanto  inay kusoo caana-maashay nabadgelyo, kala danbayn iyo dumuquraaddiyad dunidu ku majeeratay. Waxaanay sheegtay in Somaliland qabatay doorashooyinka Madaxweynaha saddex Jeer, laba jeer oo golayaasha deegaanka, tartanka Ururrada Siyaasada ah iyo Baarlamaanka xilliganna ay  diyaar u tahay inay qabato doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka iyo deegaanka.

Waxay ku doodday inaanay Somaliland iyo Soomaaliya ahayn laba la is-barbar-dhigi karo nidaam ahaan iyo degganaansho ahaan toona.

Geesta kale ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat El-ginw, ayaa sidoo kale ka hadlay munaasibada bandhiga Bugaagta ee Hargeysa.

Waxaanu ka warramay taariikhda dheer ee k a dhaxaysa Somaliland iyo dalkiisa Masar, isla markaana waxa uu ammaanay nabadgelyada  Somaliland iyo nidaamka dumuquraadiyadeed ee ka jira Somaliland.

Isagoo wax lagu faano ku tilmaamay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ee Dadka tirada badan ee dalalka caalamka ka kala yimi iyo aqoonyahankaba kulmisay.

Safiirka Jarmalka Ambassador Annett Günther, waxaanay tidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo Carwadan Caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa. Carwadan iyo sida looga soo qaybgalay waxay muujinaysaa dhaqanka iyo farshaxanka sida halkan looga jecelyahay.

Hal-ku-dhegga sannadkan oo ah wada-noolaansho, waxay muujinaysaa siday da’yarta u doonayaan inay nabad ugula noolaadaan Bulshooyinkooda, farriintaasna waan qaadi doonnaa. Jarmalku wuxuu taageerayaa horumar kasta oo Somaliland samayso.”

Waxaa halkaas hadal ka jeediyay safiirka Midawga Yurub u Qaabbilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo ka mid ahaa Diblamaasiyiinta ka qayb galay Bandhigga Bugaagta, ayaa ka hadlay Nabadgelyada, degganaanshaha  iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, waxaanu sheegay inay tahay wax lagu faano waxa  ay qabsatay Somaliland.

Ambassador Nicolás Berlanga Martínez, waxa uu markii uu ka hadlayay Madasha si lama filaan ah ugu Lebistay Koofiyadda Odayaasha iyo Cumaamadda Madaxda dhaqanka Soomaalidu qaadato oo uu madaxa iyo garabka saartay.

Isagoo muujinaya dhaqanka ay ka turjumayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo boqollaal qof oo Soomaali iyo Ajaanib ah ay ka qaybgaleen. “Maanta ii oggolaada inaan ahay Oday dhaqameed reer Yurub ah oo Somaliland jooga.

Farxad bay ii tahay inaan arko Buugaag ku qoran afaf kala duwan iyo kuwo ay sixitaan ku samaysay xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Midawga Yurub farxad bay u tahay inuu taageero arrimaha noocan oo kale ah” ayuu yidhi, Ambassador Berlanga oo mar keliya munaasibaddii u beddelay sacab iyo qosol lagu soo dhowaynayo lebiska uu xidhay iyo siduu u beddelay muuqaalka manbarka isla teegay markii uu kacay.

Dhinaca kale, waxaa munaasibadaa hadalo ka jeediyay Masuuliyiiinta Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen  Wasiiradda, Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin, iyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire.

Kuwaasoo dhammaantood sheegay ahmiyada ay munaasibada Bandhiga Bugaagta Hargeysa u leedahay muqaalka iyo sawirka dunida ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Dublamaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Aqoonyahan ka yimi dalalka dunida ee qaaradaha dunida.

Gebegebadii, waxa madasha lagu soo bandhigay Ciyaaraha iyo Heesaha Dhaqanka Soomaalida qaarkood.

Waxaana loo gudbay qaybaha kale ee Barnaamijka ee Khudbadaha Martida Barnaamijka, iyagoo ay halkaas  khudbado ay  ka jeediyeen Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Brack  Obama, oo ka timid dalka Kenya.

Abwaan Siciid Saalax, qaybaha gelinkii dambe ee maanta iyo caawa  ayaa iyaga-na ahaa bandhigyo Suugaaneed, Farshaxan, doodo, su’aalo iyo jawaabo hadba cidda minbarka sare fadhida la weydiinayey oo ay ka jawaabayeen.

DAAWO SAWIRRO DHEERAAD AH:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here